Danjire Cawil Oo Siyaasiyiinta Muxaafidka Iyo Mucaaradka Somaliland Ugu Baaqay Inay Isu Dulqaataan Ugana Digay In Hadaladoodu Qadiyada Dhaawici Karaan

0
722

Picture7Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee Madaxweyne Rayaale, ayaa siyaasiyiinta Somaliland ee mucaaradka iyo muxaafidka ah ugu baaqay inay isu dulqaataan oo ay hoos u dhigaan arrimaha dhexdooda si aanay banaanka ugu bixin wax halis gelin kara qaddiyadda Somaliland.

Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in hadalada warmaha siyaasadeed ah ee ay muxaafidka iyo mucaaradku isku ganayaan, ay dunidu u arki karto xaalad halis ah oo soo waajahday Somaliland.  “Waxaan odhan lahaa doorashooyinka waynu naqaanaa sida loo qabto,  calankaas iyo dawladnimada dhiig badan ayaa ku daatay soo celintiisa, nool iyo moodba waynu u hurnay, meel fiican ayaynu maraynaa maanta, doorashana way dhacaysaa oo waa hubaal, haddii ay duruufo keenaan waxaan lix bilood gaadhayn inay dib u dhacdo wax weyn maaha, annagu wakhtigii aanu joognay duruufo ayaa dhacay oo waa tii argagixisadu ina soo weerartay. Markaas waxa loo baahanayahay horta in la isu dulqaato oo siyaasiyiinteenu mucaarid iyo muxaafidba ay isu dulqaataan wixii duruufo ah ee soo kordhana la isla fahmo siyaasaduna cadaawad ma leh ee waa tartan, sidaas kubadda loo ciyaarayo ayaa loo tartamayaa, markaas arrintan yaan wax weyn laga dhigin.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Muranadan taagani muuqaalka ay inaga bixinayaan waa sawir aan fiicnayn, qadiyad culus ayaa inoo taala, markaad qadiyad leedahayna qaddiyada waa la dhawraa oo wax badan ayaa la deddaa, qadiyada inoo taaalaa waa dawladnimadii aynu lixdankii tuurnay sidii aynu uga dhabayn lahayn soo celinteeda.  Markaas waxaan soo jeedinayaa  adduun weynuhu wixii ay rayi qalad ah ka qaadanayaan inaynu ka ilaalino, waa inaynaan wax badan banaanka u soo saarin oo aynu hoos u dhignaa, hoosna isula hadalnaa, isagana tudhno weedhaha adag ee qalafsan. Markaas waxaan ku talinayaa inaynu buuqa yarayno doorashadana wakhtigay ku haboontahay ayaa la qaban doonaa, waana inaynu isu dulqaadanaa.”

Wuxuu danjire Cawil Cali Ducaale, golaha wakiilada ugu baaqay in si deg deg ah loo ansixiyo guddiga doorashada qaranka,  “Waa in guddiga doorashooyinka deg deg loo ansixiyaa, waayo anigu banaankaan joogaa oo wax badan ayaan ogahay, markaas waa in guddiga doorashada deg deg loo ansixiyo, si ay hawsha doorashada u bilaabaan.”

Ugu dambayn wuxuu golaha wakiilada laftooda ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka ka dhex taagan ee salka ku haya xeerka diiwaangelinta, “Golaha wakiilada laftooda, waxaan ugu baaqayaa inay muranka joojiyaan oo ay khilaafka yareeyaan, waxa loo baahanyahay inaanay is qabqabsan mudada yar ee u hadhay balse ay muujiyaan karti iyo dedaal.” Ayuu yidhi Danjire Cawil.