Magacyada Siyaasiyiin Caan Ah Oo Mushaharka Ay Xilka Qaranka Ku Qaadanayeen Aha Hal Doolar Sannadkii

0
544

Picture8eysa (Geeska)- Qormadani waa qaybtii 4aad ee aynu kaga waramaynay dadka iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar, kuwaas oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men” iyo xikmadda ku jirta:

1. Maxamed Cali Jinnaax: Waa aas-aasihii jamhuuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan,  xilligii Ingiriisku uu dalkaas gumaysanayey waxa  uu noqday badhasaabkii guud ee Pakistan, markii uu dalkiisu madax bannaanida qaatayna waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey. Jinaax oo ahaa garyaqaan iyo siyaasi magac weyn lahaa, waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 1876kii illaa 1948kii, oo  uu ku dhintay shil diyaaradeed oo illaa hadda sababtiisa muran ka taagan yahay, waxaana loo aqoonsan yahay in uu yahay aabaha qaranka Pakistan oo maalinta dhalashadiisu illaa hadda ay tahay ciid qaran.

Jinaax oo weli aan 30 jir gaadhin ayaa loo magacaabay in uu si k meel gaadh ah madax uga noqdo qasriga madaxtooyada ee Bombay oo ahayd xaruntii isticmaarka. Muuddo gaaban kadibna waxaa loo soo jeediyey in  xilkaas si buuxda  qabto mushaharna uu bishii u qaato 1500 oo lacagta dalkaas ee Rupee ah. Laakiin Jinaax mushaharkaas waa uu ku diiday, waxa aanu masuuliyiintii Ingiriiska u sheegay in uu doonayo in uu maalin kasta ku shaqeeyo lacagtaas 1500 ah ee la doonayey in bishii la siiyo, in kasta oo ay lacag aad  badan ahaydna waa laga aqbalay aakhirkii in lacagtaas la siiyo. Si kastaba ha ahaato ee markii uu gumaystihii baxay Maxamed Cali Jinaax waxa uu diiday in uu qarankiisa ka qaato mushaharkaas xaddiga badan, maalintaas laga bilaabana waxa uu go’aansaday in uu hal doolar sannadkii ku shaqeeyo. Sidaa awgeed waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey dunida ee go’aansada in uu ummaddiisa ugu shaqeeyo Hal doolar sannadkii.

 2. Richard Riordan: oo dhashay sannadkii 1930kii waxa uu ahaa duqii 39naad ee magaalada Los Angeles xarunta gobolka California ee dalka Maraykanka. Waxa aanu xilkaas hayey 8dii sano ee u dhexeeyey 1993kii illaa 2001dii. Richard oo ka tirsan xisbiga jamhuuriguu muddadii uu xilkan qaran hayey waxa uu sannadkii mushahar u qaadanayey Hal doolar.

3. Arnold Scwarzenegger: Waxaa muuqata in gobolka California uu nasiib u helay masuuliyiin diyaar u ah in ay dalkooda iyo dadkooda tabaruc ugu shaqeeyaan, taas oo inta badan ee dunida iyo xataa gobollada Maraykanka badankoodu aanay la wadaagin.

Arnold Alois Schwarxenegger oo dhashay 1947kii waa jilaa caan ku ah filimada, hal-abuur filimada sameeya, ganacsade, maalgashade, qoraa iyo siyaasi Maraykan ah. Gobolka California waxa uu guddoomiye ka ahaa 8 sano oo uu dhexeeyey 2003dii illaa 2011kii muddadaasna wax mushahar ah kama uu qaadanayn xilka qaran ee uu hayey, marka laga reebo Hal doolar oo sannadkii la siin jiray si uu ugu biiro liiska mshahar bixinta dowladda. Waxaa jira dadyow tiro badan oo isugu jira qaybaha bulshada, kuwaad oo xooggooda, waqtigooda iyo maskaxdooda uug deeqay shirkado, ganacsiyo, haayado iyo masuuliyado qaran oo ay bilaa mushahar muddo k hayeen. Laakiin qormadan oo dhowr taxane ahayd halkaas ayaa aynu ku joojinaynaa. Dhammaad