Barnaamij Bilaash Ah Oo Kuu Soo Celinaya Faylasha (Documents) Aad Ka Masaxdo Kombiyuutarka

0
545

Washington (Geeska)- In aynu fayl ka masaxno kombiyuutarku macnaheedu ma’aha in uu gebi ahaanba sidaas kaga tirtirmay kombiyuutarka. Xitaa marka inta aynu kaga daba-tagno sanduuqa faylasha la masaxo (Recycle Bin) aynu mar kale sii masaxno iyo xitaa marka kombiyuutarkaba aynu gebi ahaantii dib u wada masaxno ee aynu ku soo celinno sidii uu ahaa markii ay shirkaddu soo saartay (Format garayno), weli waxaa jirta rajo ah in aynu dib u soo celin karno faylkaas aynu masaxnay, waayo waxa uu raad kaga tegeyaa HARD Disc, marka keliya ee la waayi karaana waa marka raadkii uu ka tegey qudhiisa dib wax loogu dul qaro, taas oo aad u adag.

Waxaa jira barnaamijyo badan oo aynu u adeegsan karno soo celinta faylasha la masaxay, waxaa ka mid ah barnaamijka Recuva oo lagu tilmaamo in uu yahay kan ugu wada fiicanba, waxa aanu ka kooban yahay laba nuskhadood (Version), mid bilaash ah iyo mid lacag ah. Barnaamijkani waxa uu qayrkii dheer yahay qofka oo uu fursad u siinayo in uu tuso faylasha la masaxay oo dhan si uu qofku u dooran karo faylka uu gaarka u rabo in uu soo celiya, halka barnaamijyada kale badankoodu ay duuduub ku soo celinayaan wixii la masaxay oo dhan.

Waxaa isna jira barnaamij lagu magacaabo Test Disk. Laakiin Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa barnaamij isagana la yidhaahdo Free Undeleted oo isaga oo sawirkan la socda qoraalku muuqaalkiisa yahay. Barnaamijka FreeUndelet.com waxa uu marka hore baadhayaa sanduuqa Qashin qubka kadibna waxa uu u wareegaya kombiyuutarka oo dhan.