Barcelona Oo £132m U Ku Iibsanaysa Philippe Coutinho Maalmo Kadib

1
1804

Kooxda Barcelona ayaa damacsan inay ku bixiso lacag gaadhaysa £132million heshiiska ii bee ciyaaryahanka naadiga Liverpool, Philippe Coutinho maalmaha ugu horeeya bisha January, sidaasna waxaa xaqiijiyey warar cusub oo warbaahintu ka heshay gudaha wadanka Spain.Majalada ‘The Sport newspaper’ ayaa ku doodaysa in kooxda hor booda horyaalka La Ligaha, lagu qasbay inay miiska soo saarto lacag u dhiganta ugu yaraan tii ay ku soo iibsadeen Ousmane Dembele oo ahayd £136m, haddii ay doonayaan oo ay ka dhab tahay heshiiska ciyaar sameeyaha mucjisada ah ee naadiga dhar casta.Coutinho ayaa si aad ah u doonayay u wareegista kooxda Nou Camp xagaagii tagay, laakiin kooxda uu ka tirsan yahay ee Liverpool ayaa ganafka ku dhufatay saddex jeer lacago aad u badan oo ay Barca soo dhigtay, tii ugu dambeysayna ahayd £119m.Si kastaba ha ahaatee, wax iska caabinta iyo diidmada kooxda geggida Anfield ma noqon mid bedesha damaca kooxda reer Spain ay ku daba taagan tahay laacibkan hore ee kooxda Inter Milan.

Sida aanu ka soo xiganay wargeyska Sport, wakiilada ciyaaryahan Coutinho ayaa dhawaan kulan la qaatay kooxda Barcelona si ay isula meel dhigaan heshiis shaqsiyeed iyo qorshe lagaga faro- maroojinayo kooxda Liverpool, laacibkan reer Brazil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here