Liiska 10-ka Ciyaartooy Ee Ugu Fiicnaa Kubada Cagta Sanadkan iyo Kooxaha Ay U Kala Saftaan

32
5091

 

Sky Sports ayaa soo dhamaystiray liiska 100 ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 aduunka ugu fiican kadib markii uu maalmihii ugu danbeeyay si taxane ah u soo gudbinayay liiskan waxaana hadda lasoo Gaadhay ciyaartoy kasta oo ka mid ah 100 xidig ee aduunka ugu fiican sanadkan 2017 iyo kaalinta uu ka galay qiimaynta sanad laha ah ee uu Sky Sports sameeyo.Sanadkii hore qiimaynta Sky Sports ee 100 ka xidig ee Yurub gu fiican waxaa kaalinta kowaad ka galay Lionel Messi halka Neymar Jr oo markaas Barcelona ka tirsanaa uu isna kaalinta labaad galay waxaana booska saddexaad ee 100 ka xidig ee Yurub ugu fiican sanadkii 2016 kii ku jiray Gareth Bale oo aan sanadkan la filayn in uu qayb ka soo noqdo liiskan halka Cristiano Ronaldo uu kaalinta afraad ku jiray.Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku soo baxay kaalinta kowaad ee qiimaynta Sky Sports ee 100 ka xidig ee aduunka ugu fiican kadib markii uu sii watay bandhigii uu sanadkii 2016 kii kaalinta kowaad uga galay qiimayntan laakiin waxaa si layaableh kaalinta labaad u soo galay Harry Kane oo soo qaatay sanad cajiib ah.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Dhamaan Qaybihii Uu Sky Sports Ku Shaaciyay 10 ka xidig ee Aduunka ugu Fiican Sanadkan 2017:

  1. Robert Lewandowski – Bayern Munich
  2. Saul Niguez – Atletico Madrid
  3. Kevin De Bruyne – Manchester City
  4. Romelu Lukaku – Everton/Man Utd
  5. Dries Mertens – Napoli
  6. Christian Eriksen – Tottenham
  7. Cristiano Ronaldo – Real Madrid
  8. Neymar – Barcelona/PSG
  9. Harry Kane – Tottenham
  10. Lionel Messi – Barcelona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here