Xukuumadda Muuse Biixi Maxay Ilaa Hadda Ciyaaraha Ka Qabatay?

0
4344

Xukuumadda talada dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi, oo muddo sannad ku hadhaw talada dalka haysa, ilaa hadda maxay Ciyaarihii dalka ka qabatay, horumar ma gaadhsiisay, mise wey uga sii dartay?

Inkasta oo Somaliland aan wali aqoonsi caalamiya la siinin, cid ka caawisa ciyaaruhuna aanu jirin, haddana waxa la odhan karaa marka ay noqoto dhinaca Ciyaaraha Somaliland iyada ayaa iskeed isku soo waday, oo iskeed u qabsanaysay Tartamada kala duwan ee la soo qabtay ha noqoto Tartamada caadiga ah ama ha noqoto Tartamada Koobka Gobolada.

Haddaba haddii aynu qaadano tartamada kala duwan ee Xukuumadda Muuse Biixi intii ay taladda dalka haysay la qabtay ayaa waxaa ugu muhiimsan tartankii ugu balaadhanaa ee Somaliland la qabto taariikhda Kubada Cagta, iyada oo loo qabtay kooxaha heerka kowaad, kooxaha heerka labaad iyo kooxaha heerka saddexaad ee kubada cagta, ee Caasimadda taas oo ay ugu dambayntiii ay ku guulaystay kooxda Kubada Cagta Dawladda hoose ee Hargeysa, waxa kale oo jira tartamo kala duwan oo Kubada Cagta ah oo lagu qabtay Gobolada kala duwan ee dalka, halka sidoo kale la qabtay Tartamada dhinaca Ciyaaraha fudud ee Orodka.

Dhanka kale haddii aynu soo qaadano tartamada loo baahna inay dalka ka qabsoomaan, ee aan wali ka qabsoomin waa Horyaalo joogto ah, Tartamo cayiman oo lagu xisaabto iyo koobkii Gobolada oo aan la hadal haynba oo sannadkana u muuqda in aanu dhacaynin, madaama uu Sannadkani dhammaad ku dhaw yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here