Fariidnimada Ilmahaagu Waxa Ay Ku Xidhan Tahay Nooca Cuntada Aad Siiso

39
3359

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo Maraykan ah ayaa daahfurtay in carruurta ugu yaraan hal mar toddobaadkii

la siiyo kalluunku ay ka fariidnimo badan yihiin kuwa aan la siinin, isla markaana ay seexdaan hurdo fiican. Cilmibaadhista oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Pennsylvania ee Maraykanka, natiijadeeduna ay soo baxday jimcihii shalay oo uu faafiyey Joornaalka Scientific Reports ayaa lagu ogaaday, ayaa muujisay in:

– Carruurta kalluunka la siiyo ugu yaraan mar keliya toddobaadkii ay aad uga fariidnimo iyo garaad badan yihiin carruurta la da’da iyo duruufta ah ee aan iyagu cunin cuntada badda ama bishii mar keliya cuna.

Jennifer Pinto Martin oo madax u ahayd kooxda cilmibaadhista samaysay ayaa mar ay ka hadlaysay waxa uu sheegay in ay heleen caddaymo dheeraad ah oo muujinaya in cunista kalluunku ay u fiican tahay guud ahaan caafimaadka, si gaar ahna carruurta. Waxa kale oo ay ku talisay in carruurtu inta ay yar yihiin la baro dhadhanka kalluunka si ay ula qabsadaan oo marka ay weynaadaan ay u xiiseeyaan. “Ilmaha da’diisu marka ay Laba jir gaadho waa in cuntada la siinayo uu Kalluunku ka mid ahaado”

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna caddeeyey in cunsita kalluunka dufanka leh, ee hodanka ku ah asiidhka dufanaysay ee Omega3 ay si weyn u caawiyaan koritaanka iyo horumarka nudaha neerfeed, taasina ay keenayso in fariidnimadu qofka u badato” ayaa ay tidhi Jennifer oo intaas ku dartay in in asiidhka dufanaysan ee kalluunku ay sida oo kale kaalin mug leh ka qaadato soo saarista hormoonka Melatonin oo shaqadiisa ugu muhiimsani ay tahay in uu nidaamiyo hurdada isla markaana jidhka ka caawiyo seexashada iyo soo baraarugista labadaba.

Cilmibaadhishuhu waxa ay tilmaameen in hooyada uurka leh oo cunta kalluunka dufanka leh ee hodanka ku ah asiidhka duxda leh ee Omega3 uu ka caawiyo in ilmaha uurka ku jira aanu iyaga oo yar ku dhicin cudurka xiiqda. Kalluumada gaarka ah ee asiidhkan faa’idada badan laga helana waxaa ka mid ah; Salamoonka, Tuunaha, Salamoonka, Seerdiinka iyo saliidda kalluunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here