Bakhaylkii Marti Maalin U Timid Darteed Uga Guuray Deegaan Uu Dadkiisa Si Joogto Ah Adduun Uga Heli Jiray

0
858

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadan oo ay ku jirto xikmad badan, balse dhinaca kalana aanu maadays ka madhnayn:

Waxaa jiri jiray nin bakhaylnimadiisu xad beeshay, waxaase bakhaylnimadaba ka sii darnaa oo uu ku darsaday damac iyo adduun jacayl la gaadhay in uu mar walba ku fikiro habkii uu ku heli lahaa dhaqaale iyo jidkii uu u mari lahaa isaga oo weliba ka dheeraanaya ama ku dadaalaya in aanay haba yaraato ee la kulmin cid uun wax weydiisata. Ninkan Bakhaylka ahi isaga oo u socda maal urursi iyo in uu helo deegaan dadka ku nool in ay isaga wax siiyaan ha joogto ee, aanay cidi waxba weydiin ayuu tuul-tuule u maray dhulkii, aakhirkiina waxa uu helay  tuule dhammaan dadka deggeni yihiin dad karaamo badan oo aad u ladan.

Bakhaylkii waxa uu go'aansaday in uu tuulahan dego isaga oo isu ekkeysiinaya faqiir aad u baahan. Dadkii tuuladani ninkan oo aanay ogeyn in uu yahay bakhayl xoolo haysta aad ayaa ay u soo dhoweeyeen uguna naxariisteen, mar kasta xoolo iyo maal ay sadaqo u niyoonayaan ayaa ay siin jireen, waxa ay gaadhay in waxa uu xidho iyo waxa uu maalin kasta cunaa noqdaan waxa ay dadka tuuluhu u siiyaan joogtada. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dadkii deriska la ahaa ninkan bakhaylka ahi waxa ay arkeen arrin ay aad ula yaabeen. Subax ayey indhaha kala qaadeen iyada oo gurigii ninkan kadinkiisii u jeestay jiho u tuulada ka xigay dhul lama degaan ah oo guryaha oo dhan laga soo jeediyo. Qoys kastaa wuu ka yaabay arrintan laakiin cidi kuma ay degdegin in ay sababta baadho, sidii caadiga ahayd ayaanay u siin jireen sadaqaddii.

Waxa qosol iyo qiso reebtay markii la ogaaday sababta dhabta ah ee uu ninkani kadinka gurigiisa jihadan ugu jeediyey habeennimo. Ceesaan muddo ka hor ninkan la siiyey oo dhashay ayaa uu ogaaday in ay tahay neef caano badan, kadib waxa uu ka baqay in dadka jidka uu aqalkiisu ku jeedo maraa ay arkaan oo ay hungureeyaan sababta awgeed ayaa uu afaafkii ugu jeediyey jiho aanay cidi marin guri kalana u jeedin. In kasta oo warka bakhaylinimo ee ninkani uu soo marba mark aka dambaysa dibadda u soo baxayey, dadkiina bilaabeen in ay isla dhex maraan in gurigiisa cariishka ahi uu ku fadhiyo dahab iyo lacag ku aasan, haddana waxba siima ay baadhin ee sidii caadiga ahayd ayaa ay u sii wadeen wax siintiisii.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin geesi ahaa oo caan ahaa isaga oo aad u daallan uu safar ku soo beegay tuuladan, harraad iyo gaajo badan ayuu qabay, markii uu tuulada soo galayba waxa uu abbaaray gurigii u soo xigay isla markaana ku soo jeeday dhanka uu magaalada ka soo galay oo ahayd dhinaca lama-degaanka ee uu bakhaylku gurigiisa u jeediyey, ninkii bakhaylka ahaa ayaa markii uu indhaha ku dhuftay ninka socotada ah ee soo gaadhay gurigiisa, waxa uu bilaabay qaylo, "Waar ha is daalin, ninoow inta aanad faraskaaga ka degin aan kuu warramo ee gurigan waxba ma yaallaan, cunto iyo biyo toona ma hayo ee hore u sii soco" in kasta oo uu ninkii musaafirka ahaa la yaabay hadalka kaga yimi ninkan haddana waxba ma’ uu weydiin ee gurigiisii waa uu iska dhaafay oo tuulada ayaa uu hore u sii galay.

Ninkii bakhaylka ahaa maalintan ayuu go'aansaday in uu tuulahan ka guuro isaga oo ka baqo qaba in jidka martida ee ninkani ku furay noqod dariiq aan ka xidhmin, isma uu barbar dhigin marti maalin u timaadda iyo maalka joogtada ah ee uu ku qabay tuulada ee waxa la weynaatay waxa maalin keliya ka baxaya ee marti ka soo dul dhacday ka qaadi doonto.