Ruushka Oo $ 7.8 Milyan Ku Bixiyey In Qorraxdu Ay Maalin Aan Looga Baran Qasab Ugu Soo Baxdo Moscow, Roobab Di’i Lahaana Laga Baajiyo Magaalada

0
672

 Picture8Moscow (Geeska)- Si aan caado ahaan looga baran ayaa ay qorraxdu toddobaadkii dhowaa qasab uga soo muuqatay samada caasimadda dalka Ruushka ee Moscow. In kasta oo uu jiray qabowgii badani isla markaana ay roobab waaweyni ay laba maamood ka hor maansheeyey magaalada, haddana waxaa dad badan u qaadan waa ku noqotay in Jimcihii iyo sabtidii toddobaadkan, aanay samada magaalada Mascow wax daruuro ah lahayn, qorraxduna si aan waqtigan oo kale looga baran u muuqatay.

Maalmahan waxaa magaalada Moscow iyo guud ahaanba dalka Ruushka ka soctay dabbaal-degyada iyo xafladaha sannad kasta loo qabtay xuska maalintii Guusha oo ah maalinta Ruushka iyo dalalkii reer galbeed ee xulafada la’ ahaa dagaalkii labaad ee adduunku ay jebiyeen Jarmalka oo uu hoggaaminayey Hitler iyo dalalkii ay xulafada ahaayeen.

Soo bixitaanka qorraxda ee maalintaasi haddii uu dad badan oo Moscow cimiladeeda yaqaanna la yaab ku ahaa, waxa uu yaabkaasi sii kordhayaa marka la ogaado in soo muuqashada qorraxda iyo jawiga cirka ee aan daruuraha lahayn aanu ahayn mid si dabiici ah u yimi, balse farsamo lagu keenay.

Sannadihii u dambeeyeyba dalka Ruushka waa ay ku soo noqnoqonaysay dhacdadan dadka badan ka yaabisay ee ah in iyada oo la adeegsanayo cilmiga sayniska iyo Tiknoolajiyadda laga hortago in ay roobab ku soo da’aan goobaha ay xafladaha qaran ee muhiimka ahi ka socdaan, gaar ahaan xafladdan maalinta Guusha oo sannad kasta lagua xuso Ruushka, laakiin si ka adag sannadihii hore ee munaasabadahan la soo qabtay, ayaa ay markan masuuliyiinta Ruushku aad ugu dadaaleen in aanu roob ku di’in, qorraxduna ka maqnaan magaalada inta ay socdaan dabbaal degyada maalinta Guuusha oo ay ka soo wareegeen Toddobaatan sano. Munaasabaddan oo Ruushku ay ku xusaan maalintii ay jebiyeen ciidamadii Jarmalka ee Naasiga, kuna qasbeen in ay is-dhiibaan waxaa sannadkan ka muuqday cadhada Ruushka ee dhalatay ficilka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka, waxaana xafladdan loo soo agaasimay si aad uga heer sarraysa ugana qurux badan kuwii ka horreeyey, iyada oo lagu soo bandhigayo horumarka casriga ah ee Ruushku uu ka sameeyey awooddiisaa milateriga.

Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen waftiyo ka socda 30 dal oo dunida ka kala yimi ayaa si aanu roobku u carsha-carshayn ama qorraxda oo maqan awgeed cimuladu u xumaan, waxa ay saynisyahannada Ruushku adeegsadeen farsamo ay sannado badan soo adeegsanayeen oo ah in daruurta roobka sida laga dul dhaqaajiyo caasimadda, iyada oo loo adeegsanayo maaddooyin kiimikaad oo diyaarado ay samada magaalada Moscow ku sii deynayaan. Waxa aana ka mid ah maadadda Silver iodide oo tirtirta uumiga biyaha ee daruurta ku dhex urura, sidoo kale maadaddani waxa ay riixaysaa daruurta ku xeeran aagga lagu buufiyey oo dhan.

Sida uu ku waramay talefishanka Faransiiska laga leeyahay ee France Info, lacag dhan 7 Milyan iyo 8 boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah ayaa sannadkan Ruushka kaga baxay ka hortagga in roobka iyo in qorraxda lagu qasbo in ay ka soo dhex mudho daruuraha jira, si ay u kululayso qabowga badan ee jira.