Wadamada Beesha Caalamka Oo Xalay War-murtiyeed Kale Ka Soo Saaray Muddo Kordhinta Guurtida Iyo Doorashooyinka Somaliland

0
543

Picture6Hargeysa(Geeska)-War-murtiyeed qoraal ah oo uu xalay soo saaray isu-duwaha mashaariicda haayadda DANIDA oo wasaaradda arrimaha dibadda dalka Denmark u qaabilsan gargaarka dibadda ayaa mar kale lagu caddeeyey mawqifka ay bulshada caalamka ee Somaliland kala shaqaysa horumarinta iyo dumuqraadiyaddu ka taagan tahay muddo kordhinta ay dhowaan golaha Guurtida Somaliland Tobanka bilood ku dareen xilliga dhammaadka xilka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

War-murtiyeedkan uu qabiyey isu-duwaha mashaariicda dalka Denmark isla markaana ah madaxa haayadda DANIDA ee Hargeysa Michael Thyge Poulsen waxa uu ku sheegay in uu yahay go’aan uu kaga wakiil yahay bulshada caalamka, gaar ahaan dhinacyada kala ah, Qaramada Midoobey, Ingiriiska, Sweden, Switzerland, Denmark, Faransiiska iyo dalka Jarmalka iyo guddida hagidda dimuqraadiyadaynta Somaliland.

Haddaba war-murtiyeedkaas ka koobnaa saddexda qodob oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogayna sidan ayaa uu u qornaa;

1. “Bulshadu si xun ayaa ay uga walaacsan tahay go’aanka uu golaha Guurtida Somaliland ku gaadhay in uu 21 bilood ku kordhiyo muddo-xileedka golaha wakiillada iyo madaxweynaha Somaliland. Waxaa si gaar ah noo cabsi geliyey in go’aan sidaa u adag la qaatay iyada oo aan is-af-garad lagala gaadhin dhammaan axsaabta siyaasadda ee Somaliland. Wada-xaajoodka iyo is-af-garadka ayaa sees muhiim ah u ahaa sharafta dimuqraadiyadda iyo nabadda ee Somaliland. Aragtida bulshada Caalamkuna waa in go’aankaas Guurtidu qaadatay uu khatar weyn gelinayo sharaftaa dimuqraadiyadda ee Somailand.

2. Go’aanka kor ku xusan ee golaha Guurtidu uu kelidii qaatay, khatarta uu keenayaa ma’aha in uu wiiqayo xasiloonida iyo geedi-socodka dimuqraadyadda Somaliland oo keliya, ee sidoo kale waxa uu dhaawacayaa sawirkii rayulcaamku ka haystay Somaliland, waxa aanu hagardaamaynayaa jaalnimadii (Wada-shaqayntii) muddada dheer soo jirtay ee aanu la’ lahayn Somaliland. Sidaa awgeed waxa aanu ku baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan la isugu yimaaddo wada-xaajood laga yeesho waqtiga doorashooyinka iyo muddo-kordhinta iyada oo la raacayo baaqii uu maanta soo jeediyey madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo dhawaaqii ka horreeyey ee madaxweyne Siilaanyo. Wada xaajoodka arrintan laga yeelanayo waa in dib loogu eego go’aankii Guurtida, isla markaana heshiis lagaga gaadho sidii loo soo afjari lahaa xasaradaha taagan, lana xaqiijiyo in doorashooyinka la qaban doono xilliga ugu dhaqsaha badan ee suurtogal ah.

3. Annaguna haddii aanu nahay jaalka caalamiga ah ee Somaliland (Dalalka Somaliland la shaqeeya), waxa aanu weli diyaar u nahay, in aanu ka qayb qaadanno geeddi-socodkan. Wakiillo ka socda bulshada caalamka ayaana doonaya in ay Hargeysa soo booqdaan hal toddobaad si ay u sii wadaan wada-xaajoodka laga leeyahay qodobbadan muhiimka ah.

Jaalka caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay hadda fiiro-gaar ah u yeelanaysaa asbaabta dabada ka riixaysay iyo natiijada ka dhalan karta go’aanka golaha Guurtida oo khatar gelinaysa sababihii aas-aaska u ahaa in Somaliland loo sameeyo tixgelin gaar ah (Mucaawinooyinka iyo macaamilka loo maro jid ka gaar ah ka Soomaaliya), sidaa awgeed waxa aanu ku dardaarmaynaa in la is-xakameeyo, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusaysana waxa aanu ugu baaqaynaa in ay galaan dadaal kasta oo ay ku badbaadin karaan sharaftii dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in xabsiyada laga sii daayo dhammaan dadkii siyaasadda loo xidhay.