Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
553

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– U seexo dhanka midig. (Caafimaad ahaan, waxaa la  ogaaday in dad badan oo wadnuhu istaagay iyaga oo hurda ay u jiifeen dhanka bidix. Waynu ognahay in wadnuhu ku yaallo dhinaca bidix).

– Mar kasta ku dadaal in aad saaxiibkaa wanaagga kaga horreyso. (Ma u malaynaysaa Saaxiib aad marar badan illowday ama aad ka jawaabi wayday dalabkiisa, in uu isagu kaa aqbali doono dalab. Waxa ay ila tahay in aad ku jawaabtay Maya. Haddaba adigu noqo mid mar warlba saaxiibkii kaga horreeya wanaaga)

– Baryo badan aadmuhu waa ay isku nacaan, laakiin lasoco Ilaahay oo aad baridaa in ay cibaado tahay. (Markaa Allaah baryadiisa ku kaaftoon. Haddii ay ka fursan waydo qofka aad wax waydiinaysaa ha noqdo mid aad ku kalsoon tahay)

– Haddii cid aad ballan la leedahay u diyaar garow, ilaali labiskaaga iyo nadaafadda, inta aad wada joogtaanna dhowr anshaxa iyo Edaabta.

– Si kasta oo noloshu ay kuugu adkaato ama aad ula kulanto wax aad qoomamayso, ha ku ducaysan dhimasho. Ogow in noloshu ay tahay hadyadda ugu wayn ee Rabbi ku siiyay.

– Ma jiro qof aan khaldamin. Noqo mid markaba ka toobad keena gefkiisa. Ilaahay mar walba dambi dhaaf waydiiso. Kana dheeroow niyad jabka.

– Ka dheerow Isku-buuqa, diiqadda, Niyad-jabka, Murugada iyo Caajiska, waayo waxba ma kordhiyaan ee waxa ay dabraan wax-qabadka qofka iyo kartidiisa.

– Calool-xumada, darxumada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadaawadda iyo Dulmiga; intuba waa Shar ee Ilaahay ka magan gal, mar walbana ka bari in uu kaa badbaadiyo.