Midabka Ay Indhahaagu Yihiin Ayaa Laga Qiyaasan Karaa Shakhsiyaddaada Dhabta Ah Ee Kugu Daahsoon

0
697

Hargeysa (Geeska)- Sida la og yahay dadku waa ay u kala duwan yihiin midabka ay yeelanayaan indhahooda qaybta wiilka loo yaqaannaa, in kasta oo ay jirto in midabkaasi uu inta badan xidhiidh la yeesho isir oo tusaale ahaan dadka reer Yurub ama dadka Jarmalka ama dadka Soomaalida ah laga yaabo in ay ugu yaraan hal midab u badan yihiin.

Midabbadaas a indhaha aadamuhu yeeshaan waa afar midab oo aasaasi ah, haddii aanay sida mararka qaarkood dhacda noqon afartaas midab qaarkood oo isku jira, waxa aanay kala yihiin. Madow, cagaar (Akhtar), Buluug iyo midabka bunniga (Kafeega ah).

Haddaba khubarada ku xeel-dheer cilmi nafsigu waxa ay sheegayaan in midabbadaas aynu soo sheegnay hadba midabka ay indhaha qofku yihiin ay tafsiir ka bixinayso shakhsiyaddaas qarsoon. Tusaale ahaan midabkas waxa uu ina barayaa shakhsiyadda qofka, sidan hoos ku qoran:

1. Indhaha buluugga ah: Gabadha wiilka isheeda uu ku badan yahay midabka buluugu, waxa ay caan ku tahay jinniyado iyo in ay soo jiito indhaha dadka, sidaa awgeed khubarada cilmi nafsigu waxa ay leeyihiin gabadhani inta badan waa qof asxaab badan, maskaxdeeda iyo garaadkeeduna aad u sarreeyaan. Gabadhan waxaa lagu yaqaannaa dhiirranaan iyo in aanay si dhayal ah uga khajilin arrin sax ah oo ay ka hadlayso ama tallaabo sax ah oo ay qaadayso.

2. Indhaha Cagaaran: Gabadha indheedu cagaarka yihiin waxa ay aad ugu wanaagsan tahay adkaynta iyo dhowrista xidhiidhka jacaylka iyo guud ahaanba xidhiidhka dadka ay la wadaagto, waa ruux bani’aadamnimada qadariya, jecelna in aanu go’in xidhiidhka ay dadka la wadaagtaa. Laakiin dumarka inta badan indhahoodu midabkan yihiin waxa ay la gaar yihiin waxoogaa hinaase ah iyo hadal qallafsanaan inta badan ku keenta in xidhiidhka ay dadka la leedahay xumaado iyada oo haddana dhinaceeda ka dadaalaysa in aanu xumaan, balse si aanay dareensanayn hadalkeedaas taagtaagan ugu xumaynaysa.

3. Indhaha bunniga ah (Kafeega): Gabadha indhaheedu bunniga yihiin, gaar ahaan midabka furan ee malabka u eeg, waxa ay caan ku tahay shakhsiyad jecel in ay ka gudubto wax kasta oo lagu cariyo, caqabadaha ka hor yimaaddana waajahda. Waxa ay ku adag tahay in ay ka dhabayso fikir kasta oo ku soo dhaca, xataa haddii uu mar kasta aad uga duwan yahay fikirka dadka kale. Si kastaba ha ahaato ee wanaagga shakhiyadda indhaheedu midabkan yihiin waxaa ka mid ah; in ay tahay ruux qalbi fiican, caawimo iyo iskaashi badan.

4. Indhaha madawga ah: Indhaha gabadha oo uu midabka wiilku madow noqdaa, waxa ay ka bixinayaan tilmaam ah in ay tahay gabadh shaqadeeda si hufan oo aad u qoto dheer u qabsata, gacan-fudaydka ay shaqadeeda ku qabsato, iyo shaqo wanaaggeeda sare ayaana inta badan u soo jida kalsoonida dadka kale. Laakiin dhinaca kalana, dumarkani waxa ay caan ku yihiin in aanay ku kalsoonaan haba yaraato ee ragga, ku’ kasta oo uu yahay. Haddii aad aragto gabadh indhaheedu midabkan yihiin oo jacayl dhab ah qaadayna, waa arrin loo noqon doono, ama mudan in duruus hor leh laga barto.