Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
841

Washington (Geeska)- In dad cusub aad barato, isla markaana kalsooni iyo kalgacal ka kasbataa waa arrin adag. Waxaana ay u dhowdahay in qaar badan oo innaga mid ahi aanay ka jawaabi karin, haddii la weydiiyo, ‘Marka aad doonays in qof aad is barataan marka ugu horreysa maxaad ku odhanaysaa? Sidee aad naftaada sawir fiican uga bixin kartaa ama qofka ugu muujin kartaa in aad u qalanto kalsoonidiisa iyo in uu qalbigiisa kuu furo? Haddiiba sheeko idin dhex marto ruux ay hadda isugu kiin horreyso, sidee aad u sii wadi kartaa sheekadani oo aad uga taxaddiri kartaa in ay noqoto su’aalo iyo jawaabo kooban oo iska dhammaada?

Daraasado badan ayaa muujiyey in bulshaawinimada iyo qofka oo dad badan oo kala duwan xidhiidh togan la yeeshaa ay fure u tahay farxad iyo niyadsamaan uu nolosha ka helo iyo in bulsho badan oo uu qofku ku xidhmaa ay fure u tahay in uu shaqo helo iyo in uu sumcaddiisa dhowro si aanay uga go’in bulshada ku xidhani.

Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel?

Su’aashan waxaa inooga jawaabaya; Robin Dreeke oo muddo madax ka ahaa barnaamijka lafa-guridda iyo baadhista dabeecadaha dadka, muddo 27 sano ahna cilmi-baadhis ku samaynayey xidhiidhka dadka dhex mara. Robin Dreeke waxa uu qoray buug ay aad loo ammaano oo lagu magacaabo, It’s not all about me: The Top Ten Techniques for building quick rapport with anyone.

Saxafiga caanka ah ee Eric Barker oo wax ka qora cilmi nafsiga iyo arrimaha la xidhiidha dabeecadda aadamaha ayaa waraysi mawduucan la xidhiidha la yeeshay Robin Dreeke waxa aanu qoraalkiisa ku bilaabay; “Waxa aan talefanka kala xidhiidhay Robin Dreeke si aan waxoogaa jawaabo ah ugu helo su’aalaha kor ku xusan, waxaana iga xasuusin ah in jawaabaha uu u siinayey ay aanay ka turjumayn aragtida haayadda FBI balse ay tahay khibraddiisa iyo aqoontiisa shakhsiga ah uun”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka business Insider oo uu Eric wax ku qoro waxaa uu warbixinta ku bilaabay dhowr dersi oo uu sheegay in qofka warbixintan akhriyaa uu ka faa’idayo, waxaana ka mid ahaa:

1. Sida ugu habboon ee qof qariib kugu ah aad u dejin karto.

2. Sida ugu fiican ee aad u adeegsan karto xarakaadka jidhka ee hadalkak u lammaan.

3. Sida ugu fiican ee aad isaga caabbin karto cid doonaysa in ay maskaxda kaa qasbato.

1. Waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in aad kula macaamisho qof kasta oo aad is barataan.

– Raadi afkaarta iyo aragtida uu qofka kale qabo, adiga oo aan xukumayn sax iyo qalad waxa ay tahay aragtidaasi. Su’aalo ka weydii, dhegeyso hadalkiisa, laakiin iska jir in aad fikirkaas markaba xukun ku riddo. Ma jiro qof jecel dareenka ka dhasha naqdiga iyo in afkaartiisa la xukumo. La soco…