Zidane Oo Ka Hadlay Kulanka Real Madrid Wajihi Doonto Juventus Champions League.

110
34907

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay natiijada ka soo baxday isku aadkii laga sameeyay wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League-ga, isla markaana ay kooxdiisa kaga beegantay dhigeeda Juventus.Zinedine Zidane ayaa wuxuu Juventus maaliyadeedu xidhnaa muddo shan sanno ah, ka hor inta uusan u saxiixin Real Madrid heshiiskii uu ugu dhaqaaqay sanadkii 2001dii ee gaarsiisnaa aduun dhan 72 milyan euro.Macalinka Real Madrid ayaa wuxuu xaqiijiyay in kulanka Juventus uu u leeyahay muhiimad gaar ah, kadib markii uu tilmaamay inuu kusoo qaatay qeyb  muhiim ah ee ka tirsan xirfadiisa kubada cagta.

Zidane ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id isagoo ka hadlay kulanka la wada sugayo ee Juventus wuxuuna yidhi: “Haa, waxaan dhihi karaa mar kasta oo aan wajaho Juventus, waxaan ku soo qaatay shan sanno, waxay ahayd koox muhim u ah xirfadeyda ciyaareed ee kubada cagta”.“Sidaasi darteed, runtii inaan kahor imaado Juventus ayaa waxay igaaga dhigan tahay wax badan, waxaan sidoo kale door bidi lahaa inaan ka fogaado dhowr sababood, laakiin isku aadka ayaa go’aamiyay inaan wada ciyaarno Juventus, waxa dhici lahaa ayaa kulankan ka dhici doona, waxaan diirada u saari doonaa sida ciyaartoyda inteeda kale kulankan muhiimka ah”.Si kastaba Zidane ayaa Real Madrid ku hogaamiyay inay kaga guuleystaan Juventus xilli ciyaareedkii hore finalka Champions League-ga, kadib markii ay ku dubteen 4-1, iyagoo xiligaasna ku guuleystay tartankan markii labaad ee xidhiidh ah.

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here