You Are Getting Old; Booqo Bog Kuu Soo Bandhigaya Xogo Xiisaha Badan Oo Noloshaada La Xidhiidha

0
633

1Washington (Geeska)- Waa arrin aynu wada ognahay in shabakadda Internet ku ay maanta qofkii u baahan ee heli karaba u suurtogeliso in uu helo xogo cilmiya iyo tirokoobyo la xidhiidha dhammaan dhinacyada kala duwan ee cilmiga, laakiin inta badan hore loogama baran in uu xog innaga siiyo nolosheenna shakhsiga, haddase taasina waa ay dhacday oo adeegyada suurtogelinaya waxaa ugu dambeeyey barta internet ka ee lagu magacaabo “Your are getting old” oo qofka siinaya tirokoobyo xiise badan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee qofka. Tusaale ahaan waxa uu degelkani kuu suurtogelinayaa in aad garato tirade dadka dunida ku noolaa maalintii aad dhalatay, ama tirada inta jeer ee wadnahaagu garaacay ama inta jeer ee aad neefsatay tan iyo maalintii aad dhalatay.

Haddaba si aad u hesho xogtan xiisaha badan keliya gal bogga http://you.regettingold.com/ haddii aad xog shakhsiyaddaada ku saabsan raadinayso dooro badhanka ay ku qoran tahay, This Is For Me Haddii xogta saaxiibkaa aad raadinaysana dooro This Is For A Friend kadib halka hoose geli taariikhda dhalashadaada oo guji batamka Go, waxaa kuu soo bixi doona xogtan xiisaha badan.

Sida lagu xusay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Al-Carabiya waxa kale oo uu boggaani ku siinayaa isbarbar dhig xiise badan oo la xidhiidha dhacdooyinka muhiimka ah ee dhacay sannadihii yaraa ee dhalashadaada ka horreeyey, kuwii dhacay intii aad naas-nuugga ahayd, dhacdooyinkii ku soo beegmay xilligii Kurayga / Dhoorrayda aad ahayd, illaa laga soo gaadho da’daada maanta.

Ugu dambayntii xogaha tirada badan ee boggani ku siinayo waxaa ka mid ah, taariikha dhacdooyinka xusuusta mudan ee dhacay intii aad noolayd, taariikha xusidda gaarka ah mudan ee cimrigaaga, tusaale ahaan markii aad 1000 maalmood jirsatay, ama 10 kun oo maalmood jirsatay.

Haddaba Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa ku dhiirrigelinayaa in ay booqdaan boggan ay ka heli doonaan xogo xiiso badan iyo dhacdooyin muhiim ah oo noloshooda ay u soo joogeen.