Muwaadin Dalkii Awoowyadii 2 Sano Madaxweyne Dooran Kari La’ Yahay Oo Dal Kale Madaxweyne Ka Noqday

0
570

Brasilia (Geeska)- Muwaadin u dhashay dalka Lubnaan ayaa jimcihii shalay ahaa la wareegay kursiga madaxweynenimo ee dalka Brazil iyada oo la og yahay in kursiga madaxweynaha ee dalka Lubnaan uu madhnaa tan iyo sannadkii 2014ka oo uu xilku ka dhammaaday madaxweynihii hore Misheel Sulaymaan.

ddddddddddddddddddd

Lubnaan iyo Brazil waxaa u dhexeeya masaafad ka badan 10 kun iyo 500 oo kiiloomitir, laakiin muwaadiniinta reer Lubnaan waxa ay tan iyo shalay isu hambalyeynayeen in wiilkooda oo ay aabayaashii garanayaan uu madaxweyne ka noqdo dalka shanaad ee ugu dadka badan dunida, iyaga oo is illowsiinaya xanuunka muwaafaqo darrada siyaasiga ah ee keentayin dalkoodu uu madaxweyne la’aado muddadaas dheer.

Misheel Taamir waxa ay magaca koowaad wadaagaan Misheel Sulaymaan oo ah madaxweynihii ugu dambeeyey ee dalka uu isir ahaan ka soo jeedo ee Lubnaan hoggaamiyey, laba sano ka hor markii xilkiisu dhammaadayna iskaga tegey kursiga oo illaa maanta ay xisbiyada Lubnaan ee baarlamanku ku heshiin la’yihiin in ay buuxiyaan ciddii kursiga uga dambayn lahayd, kadib markii ay fashilmeen ee 39 fadhi oo uu golaha baarlamaanka Lebnaan isugu yimid in uu madaxweyne doortaa ku dhammaadeen fashilaad.

Misheel Taamir oo isagu sannadkii 1940kii ku dhashay dalka Lubnaan labadiisa waalid waxa ay ahaayeen Lubnaaniyiin soo-galeeti ku ahaa dalka Lubnaan kadib markii ay ka soo haajireen woqooyga dalka Lubnaan.

Waxa uu bartay sharciga oo uu ku haysto shahaadada saree e Doctorate, waxa aanu aaminsan yahay aragtida Maasuuniyadda (Yuhuuddu hoggaamiso) ee dalka Lubnaan, dadka qaarna waxa ay sheegaan in uu ka mid yahay dadka aaminsan caqiidada lagu magacaabo, Shaydaan Caabudka, in kasta oo uu isagu diido, in uu caqiidadaas haysto.

Taamir waxa uu ahaan jiray qareen iyo Bare Jaamacadeed, ka hor intii aanu dhinaca siyaasadda u baydhin, dhowr xi loo heer xisbi ahna qaban, waxa uu madax ka noqday xsbiga ‘Dhaqdhaqaaqa dimuqraaddiga ah ee Baraasiil’ kadib waxaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamanka heer Federaal ee dalka Baraasiil, golahaas oo lix jeer oo is xigta loo soo dooranayey tan iyo sannadkii 1986kii ayaanu saddex jeer ka noqday guddoomiye, kadib sannadkii 2011ka ayaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka Baraasiil iyada oo ay madaxweyne noqotay Dilma Raussef oo ay aragtida siyaasiga ah aad ugu kala duwanaayeen. Lakaiin madaxweyne Dilma waxa ay markiiba u dhiibtay faylka xidhiidhka Baraasiil iyo Carabta waxa aanay u magacowday in uu isagu hoggaamiyo dadaal uu dalku doonayey in uu xidhiidh ganacsi oo fiican la yeesho dunoda Carabta, sababtaas awgeed ayaanu u booqday dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Lubnaan, Qatar, Cummaan iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Misheel Taamir waxaa lagu tilmaamaa nin leh fariidnimo siyaasi ah iyo maskax furnaan u suurtogelisay kartida ah in uu awood u yeesho akhrinta xaaladaha iyo marxaladaha kala duwan ee siyaasiga ah iyo in uu go’aanka saxda ah qaato waqtiga saxda ah, waana tan u suurtogelisay in aakhirkii uu inqilaab siyaasi ah ku sameeyo, xisbigii ay isbahaysiga ku ahaayeen talada dalka Baraasiil oo ahaa xisbiga Shaqaalaha ee ay hoggaamiso madaxweynaha uu hadda kursiga ka beddelay ee Dilma Ressouf oo tan iyo sannadkii 2003da uu iskaashi siyaasi ah la lahaa xisbigiisu aakhirkiina iskaashigoodu sababay in uu ku xigeenka madaxweynaha noqdo. Taamir’ in kasta oo uu isagu jagada madaxweyne ku xigeen uga sii gudbay madaxweyne, haddana ma’ uu ahayn madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee asalkiisu carab yahay ee dalka Baraasiil uu yeesho, balse wawxaa ka horreeyey Khoosi Maariya Elkaamiin oo madaxweyne ku xigeen ahaa intii u dhexeysay 1964kii illaa 1967kii.

Taamir waxa uu dalka Baraasiil ku leeyahay culays badan oo siyaasi ah, tan iyo markii uu madaxweyne ku xigeenka ka noqday dalkaasna qaar badan oo warbaahinta dalkiisa ka mid ah ayaa ku eedaynayey in uu isagu yahay madaxweynaha runta ah ee qarsoon. Waa gabyaa marka ay warbaahintu waraysanayso aad u af xun oo lagu yaqaanno hadallo heer aflagaaddo gaadhi kara iyo ereyo qallafsan oo aan siyaasi looga baran.

Khamiistii dorraad ee 12ka May 2016ka ayaa Taamir loo doortay in uu dalka Baraasiil ka noqdo madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo hoggaamiye lix bilood, kadib markii golaha odayaasha ee dalku uu hakad geliyey awooddii madaxweynenimo ee Dilma Roussef, xasaanaddiina ka qaaday si loo hor geeyo maxkamad ku qaadda dacwad la xidhiidha in ay been ka sheegtay tirada iyo xaddiga lacageed ee Miisaaniyadda Qaranka si ay uga dhigato qadiyad ay ugu ol’olayso doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ay ku soo baxday.

Misheel Taamir siyaasi qudha ma’aha, balse sidoo kale waa qoraa, soo saaray afar kitaab oo sharci ah, kuwaas oo uu ka mid yahay kitaabka lagu magacaabo “Dastuurka iyo Siyaasadda” oo si weyn looga iibsaday dunida oo dhan, sidoo kale waxa uu curiyey 130 gabay oo la filayo in dhowaan uu diiwaan weyn ku soo wada saaro.