Habka Ugu Habboon Ee Aad Isaga Daweyn Karto Nabarrada Yaryar Ee Ku Samaysma Faraha Dhexdooda

0
660

1Washington (Geeska)- Nabarada yaryar ee faraha dhexdooda mararka qaarkood ku samaysma ama dadka qaar aad isugu arkaan waa nooc ka mid ah caabuqa uu keeno Fungaska maqaarku waxa aanu ku tarmaa qoyaanka iyo daboolnaanta ama hawo la’aanta, taas oo ah sababta ay faraha luga dhexdooda ugu bataan.

Fungaskan oo dad badan ku sameeya nabarro mararka qaarkood ur keenaa waxa uu u faafaa si aad u xawaare badan oo xitaa ah in qofka qaba oo dhulka kaba la’aan, ku maraa uu qaadsiin karo qofka dabadii mara ee cagta saara halkii uu maray, taas oo qasab ka dhigaysa in xanuunkan qofka isku arkaa uu dhaqso isaga daweeyo inta uu bogsanayana ka taxaddaro in uu u gudbiyo dadka ay guriga ku wada nool yihiin ama meel wada joogaan. Qormadan oo uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Sixatii waxa aynu ku eegaynaa tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha siyaabo ay dhakhaatiirta iyo dad waayo-arag u ah xanuunkani sheegeen in la isaga daweyn karo.

Cilmiga caafimaadka:

– Dawooyinka Antibaayootiggu (Antibiotics) waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu daweyn karo nabarrada ku samaysma faraha dhexdooda, laakiin mar kasta xasuusnoow in qaadashada dawadan shardiga ku xidhan ee weliba lama dhaafaanka ahi uu yahay in dhakhtar uu kuu qoro, kuuna sheego sida loo isticmaalayo.

Dabiici:

– Qofka isku arka xanuunkani waa in uu farihiisa lugaha kala dagaallamo qoyaanka. Tusaale ahaan waxa uu ku shubi karaa bootarka la marsado, si uu u qallajiyo, isla kabaha buudhka ah ee uu xidhanayana sidaas oo kale ayaa uu ugu shubayaa bootar si aanay dhidid u samayn.

– Liin dhanaanta oo sharaab ahaan loo isticmaalo ayaa iyaduna ka mid ah dawooyinka dabiiciga ah ee la tijaabiyey in ay si waxtar leh u daweyn karaan ama u yarayn karaan in bakteeriyadu faafto.

– Toon la ridqay oo inta cagaha ka mariyo kadibna sharabaaddo lagu xidho muddo 3 illaa 4 saac ahna lagu daayo ayaa dad tijaabiyey ay sheegeen in ay si aad ah u disho Fungaska, kana hortagto bakteeriyada badashadeeda.

Ka hortag:

Si aad uga taxaddartu in ay faraha lugaha dhexdooda kaaga dhashaan fungas iyo bakteeriya, waxaa waajib ah:

– In aad ku dadaasho in farahaagu mar kasta qallalnaadaan, in marka aad lugaha maydho inta aanad sharabaadka ama kabta buudhka ah gelin marka hore qallajiso cagta oo dhan iyo gaar ahaan faraha dhexdooda.

– In aad iska ilaaliso xidhashada kaba xidhiidhiga kugu ah, waayo waxa ay aad isugu dhejinayaan faraha waxa aanay taasi sababaysaa in ay dhididaan.

– In aad lugaha laydhsiiso, gaar ahaan habeenkii, in aanad waqtigaaga oo dhan buudh xidhnaan iyo in xilliyada kulaylku jiro gaar ahaan xagaagii aad baadsato xidhashada sandalka.