Xulka Qaranka Ee Kubbadda Cagta Haweenka Iiraan Oo La Ogaaday In Ay Siddeed Nin Ku Dhex Jireen Muddo

0
617

Picture14Tehran (Geeska)- Fadeexad weyn ayaa soo waajahday dalka Iiraan kadib markii jimcihii toddobaadkan uu soo baxay war xaqiijinaya in Siddeed ciyaartoy oo rag ahi ay ka qayb qaateen ciyaarihii xulka kubadda cagta Qaranka ee hablaha Iiraan ay kaga qayb galeen koobkii adduunka ee kubadda cagta hablaha oo sannadkii hore dhacay.

Dood la xidhiidha labnimada ciyaartoydan oo socotay muddo 8 sano ah, marar badanna uu xidhiidhka kubadda cagta ee Iraan diiday warbixinno sheegayey in ay jiraan afar nin oo ku dhex dhuumanaya xulka Qaran ee hablaha ayaa ugu dambayntii uu xidhiidhku qiray in ragga xulkan ku dhex jiray ay kaba badan yihiin afartii la moodayey oo imika la xaqiijiyey in ay Siddeedba yihiin.

Mujtaba Shariifi oo u hadlayey xidhiidhka kubadda cagta ee Iraan oo diiday in uu sheego magacyada ciyaartoyda ragga ah ee la ogaaday ayaa sheegay in ay muddo u ciyaarayeen xulkan hablaha ah, isaga oo lab aka mid ah si gaar ah u xusayna waxa uu yidhi, “Waxaa jira laba ciyaartoy oo ka qayb galay ciyaaraha kubadda cagta haweenka ee kooxaha ka qayb gala wareegga naadiyada Iiraan, kuwaas oo markii ay ciyaarta ka fadhiisteen kadib uun la arkay iyaga oo rag noqday” Halka kuwa kalana ay si caadiya ugu sii dhex jireen xulka qaranka ee hablaha illaa baadhitaanno lagu xaqiijiyey in ay rag yihiin.

Sannadkii 2008dii ayaa markii ugu horreysay uu Maxamed Murtada Najaad oo maax u ah mid ka mid ah naadiyada kubadda cagta iyo laba tababare ay sheegeen in xulkan haweenka ee ay hayaan ay ku dhex jiraan laba nin, laakiin waxaa markaas dhaqso u beeniyey xidhiidhka kubadda cagta Iraan.