Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin (Q:2)

0
618

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha iyo haweenka iyo guud ahaan qoyska. Waxa aana aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin:

3. Gabadhu waxa ay jeceshay in la dhegeysto: Ma jecla in ninku uu iska dhego mariyo marka ay hadlayso; sidaa awgeed waa in uu ku dadaalo in uu dhegeysto warkeeda, ama ugu yaraan u muujiyo in uu dhegeysanayo, haddii ay ka fursan weydana waxaa fiican in uu si xikmadaysan mawduuca uga duwo si aanay u fahmin in warkeeda uu nacayo.

Gabadhu waxa ay jeceshay doodda iyo falanqaynta, taas oo aad fahamtaana waa fure muhiim ah oo aad qalbigeeda ku furi karto.

4. Gabadhu ma jecla in awood lagu muquuniyo: Siraha muhiimka ah ee shakhsiyadda gabadha ku duugan waxaa ka mid ah in aanay jeclayn amar ku taaglaynta iyo in wax loo yeedhiyo; gabadhu haddii ay dareento in aragtideeda ama doonisteeda uu ninku kaga duwayo ragannimadiisa iyo in uu isagu masuulkii yahay, waxa ay u fahamtaa xaqiraad iyo in uu yasayo, sidaa awgeed ninku waa in uu ka digtoonaado in uu ku dhaco qalad noocaas ah.

5. Gabadhu ma jecla in la dhaawaco: Xilliga doodda iyo falanqaynta ama muranka uu ninku kula jiro gabadha waxaa muhiim ah in uu iska ilaaliyo in uu shucuurteeda dhaawaco, in uu ku yidhaahdo ereyo afxumo ula muuqda iyo hadallo liita. Nin kastaa waa in uu ogaado in gabadhu ay tahay shakhsiyad xasaasi ah, sidaa awgeed uu ku dadaalo in uu ka fogaado wax kasta oo hadalka duulin kara ama cadho iyo khilaaf abuuri kara.

6. Beenta iska jir: Gabadhu ma jecla in arrimaha jacaylka iyo qoysnimada la xidhiidha ay beeni soo dhex gasho, weliba fiiirogaar ah ayaa ay ku eegtaa kuna dhegeysataa ninka, mar kasta oo uu ka hadlayo arrimaha qoyskooda ama xidhiidhkooda jacayl khuseeya, sidaa awgeed waa in uu ka fogaado beenta iyo wax kasta oo khiyaamo u muuqda. Macnuhu ma’aha in aanay iyaduna been sheegin, balse waa in ay ninka uga nugushahay u dulqaadashada beenta.

Waxaa iyaduna muhiim ah in ninku ogaado in gabadhu ay beenta ninka si sahal ah u ogaato, ama ay leedahay awood abuur oo nafsi ah oo ay ku garato marka been iyo khiyaamo uu wado iyo marka uu daacad yahay. Dhammaad.