Wiil Yar Oo Uu Dhaawac Gubasho Ahi Soo Gaadhay Markii Talefanka Gacantu Jeebkiisa Ku Dhex Qarxay

0
714

Picture15Qaahira (Geeska)- Wiil yar oo 12 sano jir ah ayaa uu dhaawac culusi ka soo gaadhay bawdyada kadib markii uu si lama filaan ah ugu qarxay talefanka gacanta (Mobile) oo jeebkiisa ku jiray xilli uu sis i caadi ah isaga dhex fadhiyey saaxiibbadii.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Cabdillaahi Al-Xarbi ayaa la xaqiijiyey in talefanka uu sitay uu ahaa talefan laba toddobaad ka hor loo soo iibiyey oo weliba ahaa noocyada shirkadaha waaweyn ee caalamiga ahi soo saaraan, oo casriya, lagana filayn wax iin iyo ceeb ah.

Wiilkan yar aabihii oo la hadlay shabakadda Al-Carabiya ee uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in wiilkiisa oo dhaawac culus ka qaba lugta qaybteeda sare ee bawdyada ay ula yaaceen cisbitaalka oo ay dhakhaatiirtu u xaqiijiyeen in dhaawaca Cabdillaahi uu yahay gubasho heerka labaad ah oo ka soo gaadhay bawdyada lugta midig.

Aabe Al-Xarbi waxa uu Al-Carabiya u sheegay in markaa kadib ay Talefankii gacanta ku celiyeen meheraddii laga soo iibiyey si ay u hagaajiso isla markaana u caddayso sababta iyo galdaloolada talefanku lahaa ee arrintan keeni karta, laakiin meheradda ayaa markii hore diidday in ay guddoonto talefanka gubashada sababay, taas oo kalliftay in aabahani uu dacwad rasmi ah u gudbiyo wasaaradda ganacsiga ee dalka Sucuudiga, ugu dambayntiina meheradda lagu qasbay in talefankan ay guddoonto kadibna kula noqoto shirkaddii soo samaysay si loo ogaado sababta qaraxa keentay. Warbixinta arrintaas ka soo baxda ayaana bilow u noqon doonta haddiiba uu waalidkani doonayo in uu shirkadda dacwad ku oogo.

Sannadihii u dambeeyey waxaa soo kordhaya dhibaatooyinka ka dhalanaya qaraxyo sababtooda aan si cad loo garanayn illaa hadda oo ku dhacaya talefannada casriga ah ee aadka looga isticmaalo dunida.