“Xukuumaddu Ahmiyadda Koowaad Ha Siiyo Daryeelka Ciidammada..” Xildhibaan Qabile

0
512

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baaq u diray guud ahaan Ciidamada kala duwan ee dalka, waxaanu ugu baaqay inay mar kasta dulqaad iyo masuuliyad muujiyaan, wixii tabasho ah ee ay qabaana si sharciga si waafaqsan u raacan, oo ay ka dheeraadaan wax kasta oo khal-khal keeni kara.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku wajahan dhacdadii ka dhacday Saldhiga Bilayska ee Qudha Dheer  ee jidh-dilka loogu geystay Gabadha Weriyaha ah iyo Hooyadeed, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaynu maqlaynaa oo soo baxaya warar sheegaya inay Ciidamadii Qaranku gadoodsan yihiin, oo waliba xadkii ka soo durkeen, Ciidaamada waxaan leeyahay masuuliyad culus baa idin saaran, oo masuuliyad culus baa dalkiina iyo dadkiina idinka saaran, oo waanu idin ognahay abaalka iyo wanaagga aad mudan tihiin, oo waanu idin ognahay inaad hadh iyo habeenba ilaalinta nabadgalyada dalkiina iyo dadkiinaba aad xil iska saarteen, cadaw badan baynu leenahay, oo nabadgalyadeena taamka ah ayaan la inoo quudhayn, ee waxaan Ciidanka Qaranka leeyahay cadawgeena marnaba fursad ha siinina, oo xadkeena inoo ilaaliya, oo wixii tabasho ah ee aad tirsanaysaan si sifo sharciya u soo mara, oo si sharciya u raadiya, Dawladdana waxaan leeyahay daryeelka Ciidankeena ku dedaala, oo iyaga ahmiyadda siiya, oo haddii ay noqoto caafimoodkooda iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiinba wax ha laga qabto”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office