UCID Oo Sheegay In Cabsi Xukuumadda Laga Qabaa Soo Food-saartay Musharraxiin Doonayey Inay Isa Soo Sharraxaan

0
569

9 Qof Oo Boorama Ugu xidhan ‘Maxaad Hebel u sharraxdeen’

Boorama (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ku eedeeyay inuu faro-gelin ku sameeyay Xulista Musharraxiinta Gobolka Awdal.

Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin, ayaa Wasiirka Ganacsiga ku eedeeyay inuu faro-gelin ku hayo Musharraxiin.

Xoghaye Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaan hal farriin u dirayaa Wasiir Saajin iyo Wasiirrada kale ee Gobolkan ka soo jeeda (Awdal) ee uu ugu horreeyo Saajin, waxaan leeyahay Axdi Qarameedkii dalkan lagu aasaasay halkan baa lagu qoray, laakiin Maalintaa maad joogin ee Beeshu intay Qof keensato odhan jirtay Baarlamaanka ayuu hebel noo galayaa.”

Ramaax waxa kale oo uu sheegay “Waxaan ka xumahay in Wasiirrada Gobolku aanay akhriyin Dastuurka dalka ayaa cad, Tallaabooyinka ay qaadayaan (awgeed), Boorama waxa ku xidhan 9 Qof oo u xidhan Maxaad Hebel u sharraxdeen, waar miyaanay Dastuurkii oo meel lagaga dhacay ahayn ?, Rag baa Xalay noo yimid oo yidhi waalla nala xidhayaa oo maxaad isku sharraxaysaan ayaa nala leeyahay, waa nasiib-darro Runtii, Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay in la doorto Cidna uu doorto, sidaasi daraadeed, yaan xuquuqdii Aasaasiga ahayd ee Dadku lahaa in meel lagaga dhacaa waa Xaaraan” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office