Komiishanka Doorashooyinku Muxuu Ka Yeelayaa Musharraxiinta Aan Buuxin Shuruudihii Looga Baahnaa Ee Xisbiyaadu Hore U Aqbaleen ?

0
620

Halkee laga soo qaadanayaa Warqadda Dambi la’aanta ee Musharraxiinta lagu xidhay ?

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in aanay aqbalayn Qofka Musharraxa ah ee aan Shahaadooyinkiisa Waxbarasho aanay soo marin Wasaaradda Waxbarashada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa waxa kale oo uu sheegay in aanay aqbalayn Musharrax aan Warqadda Dambi la’aanta ka sidan Xeer-ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shahaado aan soo marin Wasaaradda Waxbarashada Qaban mayno oo aan la soo xaqiijin, waanu ku kalsoon nahay Wasaaradda iyo shaqada ay soo qaban doonto, Cabatin iyo Caddaymo kale way iska iman karaan ama shahaado Wasaaradda si uga siibatay, taana Annaga iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa isku noqonayna oo ka wada shawrayna.”

Guddoomiyaha Komiishanka oo la waydiiyey waxay ka yeelanayaan Musharraxiinta aan buuxin Shuruudaha ay soo saareen ee ay ka mid tahay inay haystaan Shahaadooyinka Waxbartashada, balse hore Xisbiyadu u aqbaleen, ayaa sheegay inay arrintaa hore ugala hadleen Xisbiyada “Xisbiyada waanu isla qaadanay, Sharcina waa sharci, Xisbiyada waanu ka ballanay inay halkooda ku reebaan, haddiise ay ka soo siibtaan ama cod ha eexaynayaan ama si kale ha ahaatee waxaanu ka ballanay inay muddo cayiman ku soo beddeshaan, qofkaa waalla celinayaa maaddaama oo aanu sharciga buuxin, warqad ayaanu u qoraynaa Xisbiga aanu ku celinayno oo aanu ku leenahay Musharraxaasi ma buuxin shuruudihii sharciga ahaa ee soo beddesha, muddo ayayna haystaan ay ku soo beddeshaan, kii Tanaasula, kii dhinta, sidaana waanu isla qaadanay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Qof aan Warqad dambi la’aan ah ka sidan Xeer-ilaalinta ma aqbalayno, markaa Qofku waa inuu Xeer-ilaalinta ka soo qaataa Warqaddii dambi la’aanta..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office