Xukuumadda Somaliland Oo Si Ku Meelgaadh Ah Dalka Uga Mamnuucday Diyaaradaha Ay Qaramada Midobay Leedahay

0
501

duulistaHargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii diyaaraddaha Qaramada midoobay ku iman jireen Somaliland, waxayna soo saartay amar ah in laga bilaabo maanta diyaarad qaramada midoobay leedahay aanay soo caga-dhigan karin garoomada Somaliland kana duuli Karin.

Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay inay go’aankaasi qaateen ka dib markii hay’adda UNDP iyo hay’adda ICAO ee qaramada midoobay u qaabilsan maamulida hawada sare ay maamulka duulimaadyada ee dalkii la iskuu odhan jiray Somaliya  si indho la’aan ah ugu wareejisay dawladda Somaliya, taasi oo Somaliland-na ka cadhootay, maadaama oo ay tahay dawlad gaarkeeda u taagan.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland 15-ka bisha Julay ee sanadkan ay iyadu toos u maamulan doonto hawadeeda isla-markaana aanay wax suurto-galaya oo ay ogolaanayaan in hawadeeda laga maamulo Muqdisho.

Wasiir oo ka hadlaya sida ay uga xumaadeen go’aanka hay’addaha ICAO iyo UNDP ay Muqdisho ugu wareejiyeen ayaa yidhi “Dhawaaqaasi shalay (Doraad) waa mid ka hor imanaya heshiisyadii anaga, UNDP iyo ICOA, waa mid meel ku dhaawac ku ah wadahadalladii Somaliya ee looga gol lahaa in lagu dhayo, dhaawacyadii iyo haarihii, meesha ka saaraya oo ifafaalo xunna horseedaya, waa arin meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland iyo Madax-banaanideeda, waana mid ay ku geftay qaramada midoobay, gaar ahaan hay’adda UNDP, godobna ku ah bulshada Somaliland oo wax qabsatay intii beesha caalamku ay Somaliya dhaqaalaha badan galinayeen ee ay xitaa booliska mushaharkiisa ka bixinayeen, qaranka Somaliland isagaa wax qabsaday oo halkaa soo gaadhay oo isku filan, haddii beesha caalamka iyo qaramada midoobay ay talaabooyinkan oo kale ay abaal gud uga dhigaan Somaliland, waxay ku noqonaysaa abaal ka dhac, Somaliland itaal ay leedahayba waxay beesha caalamka kala shaqeysaa dib u heshiisiinta Somaliya nabadgalyada Geeska Afrika, budhcad-badeeda iyo argagixisada, arimahaas oo dhana waxaanu ku soo wadnay niyadsami iyo wada jir”

Wasiirka duulistu waxa kale oo uu soo qaaday “Haddii qaramada midoobay ay sidaa gar-waaqsadaan waxay noqon doontaa turunturo hor leh iyo cuqdad ay umadda Somaliland ku beerayaan, umadda Somaliland-na culays laguma saari karo tallaabadan iyo kuwo kale oo ka badan toona oo aan hankooda iyo himiladooda aan lagu baraq jabin Karin oo aan lagu dabri Karin qaranimadooda ay kumanaanka geesi u soo dhinteen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dunida waanu la garrami doonaa oo waanuna ka gar heli doona, dunida in badanbaa wax  garrata oo caqli furan, cid walba waanu u gar dhigan doonaa, beesha caalamka nin walba halka uu noo joojiyo ayuu shacabkayagu u joojin doonaa, cid walba sida ay noola dhaqanto ayaanu ula dhaqmi doonaa, wax umaddani leedahayna cidna u daba fadhiisan mayno, waxaanu caddaynayaa in xukuumadda iyo shacabka Somaliland aanay caqbalayn dhawaaqaa shalay (doraad) oo aanay dawladda Somaliya hawadeeda maamulayn, xaq u lahayn, awood u lahayn oo hadal afka laga yidhi uu yahay, bishuna horteeda ayay iman doontaa, waana riyo in la yidhaahdo hawada Somaliland-baa meel kale laga maamulayaa”

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay inaan diyaaradaha qaramada midoobay aanay Somaliland iman Karin ama ka duuli Karin  “Haddii ay sidaa u dhacday oo UNDP iyadda oo dhex noo ahayd oo aan waxba noo sheegin ay go’aamada intaasi leeg dalka Somaliya ugu ogolaatay (Maamulida hawada), anaga oo laba dal kala ah, sidaa daraadeed Somaliland waxay qaadi doontaa tallaabooyinkan.

5-ta bisha toddobaad si toos ah ayay u maamulan doontaa hawadeeda, wax allaale iyo wixii ay hay’adahaasi u haysay ee masuuliyad ahaydna dib ayaanu ugala noqon doonaa, iyagana waanu ku wargalinay.

Hay’adda UNDP talaabada ay qaaday waanu ku cambaareynaynaa, waanuna ka xunahay, sidaa daraadeed Laga bilaabo berri subax (maanta) 15-ka bishan May guud ahaan duulimaadyada qaramadda midoobay wasaaradani way mabnuucday, ma soo deggi karaan, kuwa fadhiyaana kama duuli karaan, si ku meel gaadh ah.

Laga bilaabo bisha lixaad diyaaradaha Somaliland ka goosha ama dul mara ama ka ganacsada xukuumadda Somaliland iyaddaa la macaamili doonta oo cashuurta ka qaadan doonta, hay’adda UNDP-na waanu kala xisaabtamaynaa wixii mashruucaa lagu ururiyey ee aanu xaqa u lahayn, waanuna ka doonaynaa”

Wasiir Xaashi, waxa kale oo uu sheegay “Somalida ayaa tidhaahda Ilowsha dhawaa ma Umulbaa, Soomali Caddaalad daro, dulmi, cadaadis iyo karaahiyo wixii ka dhashay khibrad iyo aqoonbay u leedahay, Maanu filayn in rag cusub oo hamuun u qabba in dhibaato la dhex dhigo (Koonfur Ka Soo Bixi doonaan), aqoonsiga Somaliya macno inaga dhexdeena macno kama samaynayso inaynu wax aynu kala leenahay kala gurrano, umadda Somaliland-na waa mid nabad iyo collaadaba taqaan, labadaa wax ka dhexeeya ma naqaano”ayuu yidhi.