“Dunida In Badan Ayaa Inagu Riixaysa Oo Doonaysa Sidii Ay Somaliya Iyo Somaliland Isugu Noqon Lahaayeen; Umaddani Halganka Ay U Soo Martay……”

0
3253

oday2Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Somaliya ku tilmaamay inay tahay dhib Somaliland ka hortaagan inay dunida ka hesho aqoonsi caalami ah. Waxaanu xusay in in badan oo dalalka dunida ahi ay aad u danaynayaan in Somaliland iyo Somaliya ay dib u midoobaan.

Madaxweyne Axmed Maxamaed Siilaanyo waxa uu ku adkaystay in Somalland iyo dadkeedu ay goosteen inay gooni isku taagan. Waxaanu ugu danbayntii uu tilmaamay in si diiran dalka iyo dibada looga dabaal dagi doono maalinta xoriyada ee 18-ka May.

Waxa uu sidan ka sheegay madaxweyne Axmed Siilaanyo mar uu shalay kulan la qaatay ardayda jaamacadaha  Hargeysa oo uu ugu xog waramaayay socdaaladii uu dabada ku soo maray, isla markaasna lagu taageerayay siyaasadiisa arimaha dibada oo ka dhacday hotel Maansoor.

Madaxweyne Axmed Maxamaed Siilaanyo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb-galo xafladan qiimaha iyo qaayaha leh ee ay ardaydii jaamacadaha ee dalku ay isugu yimaadeen ee sida sharafta iyo qiimaha leh naloogu marti qaaday, waxaanu aad ugu faraxsanay oo aanu ku faanaynaa waa dhalinayradaas, macalimiintooda iyo jaamacadahooda, waxaanu u aragnaa inay dhalinyaradu yahiin mustaqbalkii dalka iyo kuwa dalkan wax u ah, dhalinyaradu waa kuwii dalkan xoreeyay ee wax ka dhigay insha allaah mustaqbalka inta hadhayna waa kuwa madaxbanaanidiisa keeni doona ee daafaci doona  ee umadda hogaamin doona mustaqbalka insha allaah.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxaynu u dabaal dagaynaa 22 guuradii 18-ka May, mudo badan  ayaa ka danbaysay wakhtiga aynu la soo noqonay madax-banaanideena  halgan aad u dheer oo ay ku baxeen naf, maal iyo waxliba ay ku baxeen waynu u soo galnay si aynu dalkan u xorayno, ilaa imika ictiraafkii aynu dunida ka rabnay  may naan helin, laakiin dunidu waa ay inala dhaqantaa, waa ay inala macaamishaa waxaanay  inoo arkaan qaran cagihiisa isku taagay, dhibaatooyin kale oo walaalaheen Somaliya ay sabab u yahiin oo inaga hortaagana waa ay jirtaa iyada oo ay dunidu indho kale wax ku eegayso. Balse waxay mar walba ku xidhantahay sidaynu uga midho dhalino inaynu helno xoriyadeena iyo madaxbanaanideena sidaynu inagu isugu xidhnaano sidaynu u dagaal galno iyo sida aynu siyaasiyan u hawlgalno ee aynu dalkeena iyo midnimadiisa u daafacno, waxaan ku kalsoonahay dhalinyaradiinaa jaamacadaha ka soo baxaysaa iyo inta ku jirta iyo inta kaleba inaad dagaalkaas iyo hawshaas sida aad kuwa horeba qayb libaax leh aad uga qaadateen inaad imikana qayb libaax leh ictiraaf raadintiisa aad ka qaadan doontaan. Dunida inbadan ayaynu safaro ku soo marnay dhulkaas oo dhana waxaanu u marnay waxaanu iib gaynaynay ama ka dhaadhicinaynay qadiyada Somaliland. dunida in badan ayaa inagu riixaysa oo doonaysa sidii Somaliya iyo Somaliland isugu noqon lahaayeen, umaddani halganka ay u soo martay waa ay is ogtahay waxay ku tashatay inay la soo noqotay xoriyadeeda iyo madaxbanaanideeda  waxaanay ku xidhantahay sida marba dhalin  yaradeeda shacbigeeda iyo dawladeeduba ay isugu xidhnaato oo ay u midoobaan oo ay qadiyad kaliyaata oo meel looga soo wada jeedo u noqoto.”

Madaxweyne Axmed Maxamaed Siilaanyo  ugu danbayntii waxa uu  hadalkiisa ku soo gunaaday  “ 18-kii May ayaynu u dabaal dagaynaa waynu u soo baxaynaa dalkoo kaliyaatana looga dabaal dagi maayo ee dhulka Somaliland dadkeeda oo dhami uu dagan yahay ayaa looga dabaal dagayaa oo waftiyo badan ayaa ku maqan inay hawshaas wax ka fuliyaan oo ay dadka horkacaan.”