Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Dusha Ka Saaray Masuuliyada Khasaarihii Burco

0
497

buubaaHargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyay rabshadihii doraad ka dhacay Magaalada Burco, waxayna xukuumadda dusha ka saareen masuuliyada khasaarihii dhimashada ahaa ee uu sababay.

Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo masuuliyiin ka mid ah xisbigaasi oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay ninkii ay toogashada ku dileen ciidamada loo yaqaano RRU-, oo ay sheegeen inuu ahaa Macalin maalmo ka hor uun shaqada bilaabay.

Afhayeenka Waddani waxa uu ugu horeyn Tacsi u diray ehelkii uu ka baxay marxuumkii rabshadaha ku dhintay “Waxaanu halkan Tacsi uga diraynaa inankii lagu dilay doraad goobtaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo macalinimadii hadda bilaabay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Baryahan  dambe  waxay xukuumadda iyo laamaha amnigu caadaysteen dilalka lagula kacayo dadka cabashada la hor-yimaad inay rasaas la dhacdo, waxaad xasuusatan wixii shalay (Doraad) ka dhacay Burco aan ku tilmaami karno aafo qaran, waxaana dalka ka jiray dilal baahsan marka laga bilaabo Saylac ilaa Caynaba”

Afhayeenka Waddani, waxa uu eedaymo u jeediyay Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaaliland “Waxa uu wasiirka arrimaha guduhu sheegay maalin uu dhawayd hor yimid Golaha wakiilada in dawladnimada macnaheedu yahay wax la xidho iyo wax la dillo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anaguna taas nasiib daro ayaan ku tilmaamaynaa in xukuumaddu cabudhin iyo caga juglayn dadkeeda kula kacdo waana ayaan daro inay arrimahani shacabka ku soo noqnoqoto.”