Xukuumadda Somaliland Oo La Filayo Inay Ka Baxdo Wada Hadalada Ay La Bilowday Somaliya Iyo Sababaha Loo Aanaynayo

0
749

Picture8Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ay uga bixi lahayd wada hadalka ay la bilowday dawladda Somaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya jebisay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar uu Geeska Afrika ka helayo ilo xogogaal ah ayaa tibaaxaya, suurtogalnimada inay Somaliland dhawaan ku dhawaaqdo inay ka baxday wada hadaladii ay la lahayd dawladda Somaliya, iyadoo daba socota hadal uu Madaxweynaha Somaliya ku beegay 22 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland oo uu qadiyadda Somaliland ku sifeeyay dareen caadifadeed. Dhawaaqan Madaxweynaha Somaliya, wuxuu toos uga hor imanayaa mid ka mid ah qodobadii ay labada dawladood ku kala saxeexdeen Turkiga oo dhigayay in laga dheeraado luuqad kasta oo dhaawacaysa wada halada Somaliland iyo Somaliya.

Sidaas darteed, waxa la sheegay inay dawladda Somaliland xidhiidho la samaysay qaar ka mid ah dawladaha sida weyn ugu lug lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu mawduucan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweynaha Somaliya, uu qaaday olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga oo natiijadii ka soo baxday ay dood ka dhex abuurtay Baarlamaanka dalkiisa. Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha uu ku talaabsaday wixii ka dambeeyay shirkii Turkiga waxa ka mid ah qorshaha uu ku doonayo inuu kula wareego hawada, taas oo ay Somaliland kaga jawaabtay inay duulimaadyada qaramada midoobay ka mamnuucday garoomadeeda.