“Xukuumad Ahaan Waxaanu Rabnaa Shacab Midaysan Oo Nabad Iyo Somaliland Ku Midaysan Oo Aan Qaybsanayn”

0
3724

Picture7Borama (Geeska) – Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shalay Magaalada Borama hadhimo-sharafeed ugu sameeyay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kale ee reer Awdal oo uu ka mid ahaa Ugaaska Beesha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaasi Doodi.

Hadhimo-sharafeedan oo ku taxaluqday sidii xukuumaddu u dhayi lahayd tabashooyinka is-biirsaday ee  Gobolka Awdal iyo weliba xurgufihii ka dhacay deegaanka Xariirad, ayaa waxa la isku waydaarsaday hadalo isugu jiray kaftan iyo duurxul runta la isugu sheegayay, waxaana Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal qaarkood halkaasi ka jeediyeen hadalo la xidhiidha tabashooyinka iyo waxyaabaha ay ka tirsanayaan xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa salaadiinta halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey in tabashada ay xukuumadda u hayaan ay ka wayn tahay wax ku dhamaanaya hal maalin ama hal kulan oo ay la yeeshaan Wasiirka daakhiliga “Wasiir arinku kol kaliya ma wada go’o (Dhamaado), tabasho iyadda hadalkeeda daa’ oo xagga hore iyo xagga dambaba way naga taalaa, laakiin anigu waxaan halkan ka sheegayaa tabashadayaduna way noo dambaysaa”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaasi ka jeediyay hadal dheer oo garnaqsi u badnaa ayaa isaga oo sharaxaya ujeedada safarkiisa Borama yidhi “Waxaan u imid inaanu gogoshaa nabadeed isku wareysano, oo aanu isla eegno xaaladaha iyo duruufta dalka ka jirta, isku xidhka iyo wadaagta xogtu waxa meesha ka saaraa kala shakiga, marka dadku sheekaystaan ee wixii xukuumaddu haysay aanu shacabka la wadaagno, shacabkuna tabashadiisa xukuumadda la wadaago waxay meesha ka saaraysaa kala shakiga iyo kala qayb-sanaanta iyo in shaydaanku bulshada kala fogeeyo waxayna keenaysaa midnimo, taan u socdaana waataa, si isku xidhnaanteena iyo isfahamkeenu intan uga badnaado”

Wasiirku waxa uu sheegay inay doonayaan shacab midaysan “Xukuumad ahaan waxaanu rabnaa shacab midaysan oo nabad iyo Somaliland ku midaysan oo aan qaybsanayn, midnimo iyo wallaalnimana lama helayo hadaan caddaalad iyo wax-qaybsi jirin, waa in caddaaladi jirtaa, is ogaansho jirtaa, oo wax qaybsi jiraa, oo waxa yaalaana ay noqdaan wax wada muuqda oo aanay jirin wax cid gaar ah u qarsooni, waana sida kaliya ee lagu gaadhayo wanaag” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Somaliland qaran la aqoonsan yahay maaha, laakiin wanaaga iyo dawladnimo waa wax shacabkiisu gacmihiisa ku keensaday oo cid walba wanaageeda leedahay, haddii nabadgalyada la waayo wanaag dhamaantii-baa meesha ka baxaya”

Wasiirka daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa kale oo uu si xiiso leh uga hadlay qadiyada Somaliland iyo aragtida siyaasiyiinta reer Somaliland ee aaminsan mabda’a Somali-weyn “Anigu waxaan isleeyahay Somaliland waa guri in la sii adkeeyo mooyaane meel looga guuri karaa aanay jirin, laba waxbaa la tijaabiyey, labadiiba guul daro ayaa laga keenay, gaarna kumay ahayn reer Borama oo Somali-weynba ragbaa u sahan tagay, oo beeshayda ayaaba u badnayd oo waanu ku dagaalanayba, laakiin walaahi raggii tagay guul kamay keenin, raggii maqnaana ma keenin, waxaan xasuustaa nin odey ah oo dhowr iyo labaatan sanadood ku maqnaa (Somali-weyn) ayaan aniga oo Wasiir ah u tagay, waxaan ku idhi mid waanu ka xunahay oo odayaashayadii baad ahayd oo talo ayaad nagala  maqnayd, midna waan ku faraxsanahay oo kuraastii aad ka tagteen aniga iyo raggaa dhalinyarada ah-baa iskaga fadhiya, wuxuu igu yidhi waxaad gaadheen ee aad dhisateenba anigu Somali-weyn-baan ku dhimanayaa, laakiin waxaad dhisateen maanta idinma odhanayo cid wax ku darsada, bedalana idin odhan maayo, markaa godka Soomali-weyn kuwii u dambeeyay ee tagay guul daro ayay kala soo noqdeen maragna waad u tihiin” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey “Soomali way kala tagtay oo nin walba goofkiisii ayuu u tashaday aynu guriga Somaliland u tashano, kaa laga soo gureyna (Soomaliya) nin uu dhashay ayuunbaa ku tartami kara, wixii ay bixiyeena iyagga oo Soomali sheeganaya wixii Garoowe ka sokeeye wasiirbaa la siiyey, wasiirkuna waa inan (gabadh), markaa iyaguna midnimo diyaar uma aha, inaguna dawladnimadeena aynu adkaysano oo yaanu wakhti inagaga lumin”

Wasiir Duur, waxa kale oo uu ka hadlay wax uu ugu yeedhay Ibriiq State iyo calankiisa oo uu sheegay in reer Awdal haystaan “Ta labaad, waxa weeyaan waxa jira odhaah marmar halkan (Awdal) ka soo duusha oo ah Ibriiq State, caqlibaa la doonayaa, xalay (Habeen hore) ayaan rag dhalinyaro ah la sheekaystay waxay yidhaahdeen waxaasi caqli kuma salaysna ee cadho marmar kacda, cadhadana tuhunkaa keena, tuhunkaa inaanu saarno ayaanu halkan (Borama) u joognaa, reer Borama talada Somaliland ma guri u dhimanbaa jira, ka u sareeya ilaa ka u hooseeya, xilalka ka u sareeya ilaa ka u hooseeya reer Borama mid aanay qaban ma jiro, markaa dhiil walba waxa ku jira way og yihiin haddii aanay reer Borama is-yeelyeelaynin, haddii odeygii reer Borama aanu odey kale ku badalnay waxba horumar balaadhan inooguma kordhin, Somaliland-na waatii aad shalay ka ogeyga ahaydeen, waxaan qirayaa inuu waxqabad kordhay, markaa tuhunkaa iska saara reer Booramow waa mid idiin gaaree” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ta saddexaad waxa weeyaan calan meel yaala, hadda Soomali anaga ayaa doonay oo qoladayada ayaa u dagaal badnayd, waanu soo waynay laakiin calan meel maanaan dhigan, markaa calankaa inaga tuura waxba tari maayee”