Shirkii Midowga Afrika Oo Furmay, Maantana La Soo Gunaanadayo

0
590

Addis-ababa (Geeska) – Shalay oo ay ku beegnayd 50 guurada aasaaskii ururka Midnimada Afrika ee hore loo odhan jiray OAU, ayaa Magaalada Addis-ababa waxa ka dhacay debaal-degyo lagu xusayo Maalintaasi.

Ururka oo ay ku bahoobeen 54 dowladood ayaa la aas aasay bishii 25-kii  bishii May sanadkii 1963kii, hase yeeshee waxaa ururka magacaasi laga bedelay 26kii bishii May ee sanadkii 2001dii shir ka dhacay magaalada Addis-Ababa, waxaana loo bedelay AU.

Dabaal degyo lagu xusayo 50 sano guurada ururkan Midnimada Africa ayaa ilaa shalay ka socday Magaalada Addis-ababa oo ah xarunta guud ee ururkaasi, waxaana xafladda ugu weyn ee xuska ka qeybgalay in ka badan 100 Madaxweyne.

Raysal-wasaarada dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa furay Shir madaxda Afrikaanka oo ku aadan markii la aasaasay  ururka Midowga Afrika, waxaanu Mr Desalegn sheegay in kulankii kontan sanno ka hor ka dhacay Addis-ababa inuu ahaa bilowgii dadaalkii loo galay xornimada dhaqaalaha iyo bulshada Afrika.

Xarunta Midowga Afrika iyo Magaalada Addis-ababa  ayaa laga dareemayaa inuu jiro dareen aad u fiican, kaasi oo ay keentay dhaqaalaha qaarada oo kordhaya, iyadoo dalalka Rwanda, Sierra Leone iyo Somaaliya ay ka soo kabanayaan dagaalo muddo dheer socday.

Shirkan ayaa la soo gabogabeynayaa Maanta, iyadda oo shirkani khuseeyo xuska 50 guurada aasaaska ururka Midowga Afrika.