Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Mooshinka Uu Cali Khaliif Ka Keenay Heshiiskii Somaliland Iyo Somalia

1
583

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay mooshin uu Baarlamaanka Somaliya ka wado Dr. Cali Khaliif Galaydh, kaas oo uu doonayo inuu ku waxyeeleeyo heshiiskii ay dhawaan Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga.

Wasiirka madaxtooyada Md.Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay jaaliyadda Somaliland, ayaa Cali Khaliif Galaydh ku tilmaamay mid dhib la damacsan dadka Soomaalida ah oodhan, isla markaasna  fidno ka dhex wada dawlada Somaliya ee uu la joogo Somalilanda ka xun guulaha ay gaadhay.

Xirsi waxa uu ugu baaqay Cali Khaliif  in uu u soo noqdo xaqiiqada isla markaasna keeno garaad intaas ka sareeya. “ Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay wada hadalkii dhex maray Somaliland iyo Somaliya inaan kalmad ka idhaado hadaladii uu warbaahinta marinaayay  oo u muuqanaayay kuwo ay ka muuqato inaanu u garaabin bulshadii caalamka ee meesha joogtay, inaanu ixtiraamin dowalada uu ka tirsanaa  iyo inaad mooday inuu xasad ka muuqday uu u qabay guusha Somaliland gaadhay.”

Wasiir Xisri oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Cali Khaliif waxaanu leenahay ta aad la joogtana waxaad u muuqata inaad fidno iyo dhib aad kula dhex jirto, tan Somalilandna waxa muuqata in aanad waxba u ogalayn, warka uu sheegayo ee uu leeyahay Somaliland iyo Somaliya ayaa wada hadlayna ee hadalada dhiifta iyo xagtinta leh uu soo marinaayo warbaahinta waxa ka muuqatay in taas uu la joogana ( Somaliya ) waxba aanu u tarayn tana ( Somaliland) aanu horumar la doonayn taas macnaheeduna waxa weeye dadkii Soomaalida laysku odhan jiray in aanu guul la doonayn ee uu doonayo inay gagidaas ku ciyaaraan. Waxaad ka soo qabatay xilal waawayn Somaliya, waxaanad ahayd dadkii ugu horeeyay ee tacliinta u banbaxay garaad intaas ka fiican ayaa lagaa filayaa waxaanu leenahay xaqiiqda u soo noqo nin reer Somaliland u dhashay ayaad tahaye waxii u kordhana soo dhawee hadaad ku waas la joogtana wax ku tar oo dhibaato haw gaysan.”

Comments are closed.