Mishiinka Lagu Baadho Alaabta Rakaabka Berbera Oo Markale Ciladoobay

1
605

Berbera(Geeska)-Mishiinka yaala madaarka Berbera ee lagu baadho alaabada dadka rakaabka ah ee garoonka ka dhoofaya, ayaa markii labaad ay ciladi ku timid.

Mishiinkan, oo ah mishiinka baadha shandadaha rakaabka dhoofaya, ayaa  bil iyo badh ka hor la hagaajiyay ka dib markii nin farsamo yaqaan ah looga soo kireeyay dalka Kenya, isagoo markaas ciladaysnaa dhawr bilood. Hase yeeshe iyadoo bil iyo badh laga joogo wakhtigii la hagaajiyay ayuu haddana mishiinkii xumaaday, lamana garanayo in ciladani la xidhiidho ciladii hore. Iyadoo uu Mishiinkaasi fadhiyo muddo ku siman laba toddobaad, ayaa haddana ay wasaaradu duulisti dadka rakaabka ah ee madaarka ka dhoofa ka qaadaa lacagtii 10-ka dollar ahayd ee ay  golaha wakiiladu ansixiyeen, taas oo ay xukuumadu sheegtay in loogu tallo galay dayactirka iyo cusboonaysiinta qalabkaas iyo mushaharka dadka shaqaalaha ah.

Bulshada madaarka ka dhoofa oo isugu jira kuwo wadaniyiin iyo ajaanib ah, ayaa la yaaban sababta looga qaado 10-ka Dollar, mar haddii uu xumaaday mishiinkii loogu tallo galay islamarkaana alaabtooda lagu baadho gacmaha. Masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Comments are closed.