Madaxweyne Siilaanyo Oo David Cameron Shalay U Gudbiyay Dhambaal Uu Ugu Cadeeyay Inaanay Somaliland Ka Qayb Galayn Shirka Dawladda Somaliya Loo Qabanayo

2
591

Picture6London(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa raysalwasaaraha Ingiriiska shalay u gudbiyay dhambaal jawaab u ah codsigii uu kaga dalbaday inay Somaliland ka qayb gasho shirka uu dalkiisu dhawaan u qabanayo dawladda Somaliya.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo, uu dhambaalka uu ugu jawaabay David Cameron, ugu sheegay inaanay madaxbanaanida Somaliland ahayn wax gorgorton geli kara, islamarkaana aanay ka qayb geli doonin shirka bisha may loo qabanayo dawladda Somaliya oo ay wada guddoominayaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaare David Cameron. Warku wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Somaliland uu Raysalwasaaraha Ingiriiska u sheegay inay Somaliland  ixtiraam iyo qadarin u hayso dawladda Boqortooyada Ingiriiska oo ay taariikho wadaagaan balse ay dawladda Somaliland go’aansatay inaanay ka qayb geli shirkaas oo ay u arkaan inaanu ka turjumayn danaha Somaliland.

Geesta kale, hadal uu Madaxweyne Siilaanyo xalay u jeediyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa wuxuu ku cadeeyay inaanay waxba iska bedelin mawqifkii uu hore uga qaatay shirkaas ee ahaa inaanu ka qayb geli doonin. Isagoo Madaxweynuhu ka hadlaya qaddiyadda Somaliland, wuxuu yidhi  “Somaliland waxay u dagaalamaysay ina halgamaysay una shaqaynaysa in ay madaxbanaanideedii si buuxda oo caalamku uu ictiraafsan yahay ay ula soo noqoto, dabcan waynu aragnaa ilaa imika dunida cid ictiraaf ina siisay ma jirto laakiin dunidu waa ay inala dhaqmaysay, way inala macaamishaa, mucaawinana waa ay ina siisaa waxaanay inoola macaamilaan sidii dawlad madax banaan.”

Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya shirarkii ay soo galeen iyo wada hadaladii Somaliya, wuxuu yidhi “Dalkeena iyo umaddeenuna wax ay ku adagyahiin inay madaxbanaanidoodii la soo noqdaan wax kasta haku qaadatee, shirarka aanu aduunka oo dhan la galayno ee meel walba la soo maraynay ee walaalahayo Somliya aaanu kala hadlaynay ee meel walba dood iyo shirara ay nooga socdeen qodabka uu ku fadhiyay waxa uu ahaa inay madaxbanaanida Somaliland ay ictiraafaan iyagana nabad galyo,isku socod iyo wada shaqayn iyo is ixtiraam inaaan yeelano. Colaad uma hayno xumaana uma hayno  laakiin madax banaanida Somaliland waa mid taariikhi ah waa mid dadkeeda iyo umadeedu ay ku tashadeen waa mid ay doonayaan oo lagu wada shaqaynaayo.Intii aanu dawlado soo  marnay Turkigu waa uu iksu kaaya keenay shirar badan ayaa laysugu yimi meelo badan ayaa laga hadlay mar qudha Somaliland mawqifkeed waxb kamay badalin ama kuwii khaliijka ha hanoqoto intaa ayaa laga wada hadlaayay.”

Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ka hadlaya safarkan uu Ingiriiska ku joogo iyo codsiga uu David Cameron, kaga dalbaday inay Somaliland ka qayb gasho shirka London, wuxuu yidhi “Maanta markii halkan laysugu yimi dawlada Ingiriiska oo aynu cilaaqaad dheer leenahay muwaaino badana aynu ku qabno, saaxiibnimo badana inaga dhaxayo waxa jirtay in ay qodabkaas jeclaysteen in sidaas si ka duwan ay noqoto.”

Isagoo si gaar ah uga sii hadlaya mawduucan wuxuu yidhi “Waxa ay shir u qabatay Somaliya oo waxa wax ka gudoominaaya madaxweynaha Somaliya, waxaanu nidhi shirkaasu anaga nama quseeyo, xaasidi mayno oo u diidi mayno waxii loo tari karoba haloo taro oo wax aanu ka qabnaa ma jirto, laakiin anagu Somaliya kama mid nihin maadaama oo aanan ka mid ahayna shir ay Somaliya gudoominayso inagu iman mayno, hore ayaanu intaanu Itoobiya joognay aanu ula kulanay madaxda dawlada Ingiriiska in ka mid ah  waan u cadaynay mawqif kayaga.”

Isagoo Madaxweyne Siilaanyo, ka hadlaya kulankii uu la yeeshay David Cameron, wuxuu yidhi “Imika markaanu nimina waxaanu is aragnay raysal wasaare David Camaron iyo wasiirka arimaha dibada William Hague iyagana mawqifkaas ayaanu aad iyo aad ugu cadaynay una sheegnay waanan ku taaganahay wali mawqifkaas, shacbigayaguna waxaanu jacelnahay inay nagu taageeraan, Turkiga waanu ku kulmaynay meelo kalena waanu ku kulmaynay laakiin si aanu u simanahay  ayaanu ula kulmaynay, markaas waxaad ku kalsoonaataan meel kasta aanu tagno oo meel kasta aanu joogno shirarkaasu waxay doonayaan haku danbeeyeen waxaanu mar walba u taagnahay oo dawlada iyo shacbigeedu ay daafacayaan madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, taas ayay umadu nagu aamintay anaguna fulinynaa, waxaanu jeclanahay saaxiibadeen in aynaan isku dhacin, waxaanu jecelnahay saaxiibadeen inaan is fahano laakiin danta qaranku meesh ay ku jirto ugama baydhayno.”

Comments are closed.