Xukuumadda Oo Si Diiran U Soo Dhawaysay Weftigii Ku Maqnaa Dalka Kenya

0
838

 

dibadaHargeysa (Geeska) Waftigii uu hogaaminaayey wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxaana madaarka ku soo dhaweeyay guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, raxan wasiiro ah iyo arday la soo diyaariyay.

 

Wasiirka iyo waftiga ayaa mar kale ka dhawaajiyey waxyaabihii ay kala kulmeen dalka Kenya iyo golaha amaanka ee ay kulanka la qaateen, waxaanu wasiirku sheegay inay kulamo kale oo ka baxsan shirka golaha amaanka ay la qaateen ilaa tobaneeyo safiir oo ka tirsan wadamada reer galbeedka, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliland. Waxaanu itaas ku daray wasiirku in mudo laga shaqaynaayey sidii uu shirkaas u dhex mari lahaa Somaliland iyo golaha amaanka, waxaanu yidhi wasiirku “Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay noo suurta gashay in aanu la galno shir gaar ah golaha amaanka ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, shirkaasi wuxuu ahaa shir taariikhiya, wuxuu ahaa shir uu xidhiidhkiisu mudo dheer socday oo xukumada iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay si adag uga wada shaqeeyeen suurto galnimadiisa, waxaanu u baahnaa saaxiibo badan oo aynu dunida ku leenahay inay gacan naga siiyaan”

Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan waftigii ka socaday Somaliland ay golaha amaanka kala hadleen himilada iyo siyaasada xukumada iyo shacabka reer Somaliland waxaanu yidhi mar kale “Shirkaas waxaanu kaga hadlay qadiyada somaliland, arrimihii ugu waaweynaa ee shirka lagu soo qaaday ee xildhibaankii nala socday iyo xukumadu ka hadleen waxaa ka mid ahaa himilada siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo xukumadooda”

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka dhawaajiyey in xukumada Somaliland loo muujiyey sida loo la socdo arrimaha siyaasada iyo horumarka ay ku talaabsaday mudadii labaatanka sano ahayd, waxaanu yidhi wasiirku mar kale “masuuliyiintii golaha amaanka ee aanu la kulanay waxay noo muujiyeen  sida ay dunidu maanta ula socoto horumarka shacabka reer Somaliland ay gaadheen mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jireen, waxa kale oo noo muuqatay in fariintii ay shacabka reer Somaliland direen munaasibadii 20-guurada ay gaadhay meelo aanay hore u gaadhi jirin dhawaaqa Somaliland”

Geesta kale wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay inay la kulmeen qaar ka tirsan safiirada wadamada reer galbeedka u fadhiya dalka Kenya, gaar ahaana caasimada Neyroobi, kuwaas oo uu sheegay inay somaliland ku amaaneen horumarka ay galigeed gaadhay, waxaanu yidhi “waftiga waxaa u suurta gashay inuu shir dheer la yeesho dhawr iyo toban safiir oo ka tirsan safiirada wadamada reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaalada Neyroobi, waxaaxna ka mid ahaa safiirka ingiriiska, safiirka faransiiska, safiirka jarmalka, safiirka Norway, iswiidhan, talyaaniga iyo wadamo kale oo tira badan oo aanan halkan ku soo goobi karin, waxaanay dhamaantood aad u danaynayeen arrimaha Somaliland sida arrimaha dhaqaalaha, arrimaha nabad galyada iyo arrimaha siyaasada ee Somaliland. Waxaanay aad noogu amaaneen horumarka uu dalka gaadhay ee aynu beesha caalamka ku kasbano mudo yar.”