IGAD Oo Deeq Waxbarasho U Fidsay Shan Arday Oo Ka Tirsan Dugsiga Sheekh

0
1004

 

DSC08808Hargeysa (Geeska) Arday ka tirsan dugsiga barashada xanaanada xoolaha ee magaalada Sheekh ayaa deeq waxbarasho ka helay dalka Yugandha. Deeqdaas waxaa soo gaadhsiiyey urur goboleedka IGAD iyaga oo kaashanaya maamulka dugsiga xanaanada xoolaha iyo xukumada Somaliland.

Ardayda nasiibka u heshay deeqda waxabrasho ayaa kala ah afar wiil iyo gabadh, gabadhaas oo kaalinta hore ka gashay qalinjabintii dugsiga xanaanada xoolaha dhanka hablaha. Shanta arday ayaa ka kala socda gobolada dalka qaarkood, waxaanay maalintii shalay ahayd u dhoofeen jaamacad ku taal Yugaandha.

Ka hor intii aanay dhoofin waxaa kulan la sii yeeshay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo masuuliyiin kale, waxaanu wasiirku kula dar daarmay sidii ay door weyn uga qaadan lahaayeen baahida loo qaybo dhakhaatiirta xoolaha oo dalka aad ugu yar. Waxaana ka mid ahaa hadalkii wasiirka “waxaa farxad noo ah maanta in aan sii sagootino shantan arday oo ah afar wiil iyo gabadh oo nasiibkoodu siiyey inay u baxaan dalka Uganda si ay uga qayb qaataan waxbarasho ku saabsan dhakhtarnimada xanaanada xoolaha, iyaga oo wax ka soo baran doona jaamacada Makerere University of Uganda. Aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynaynaa guusha aad qaranka iyo naftiina u soo hoyseen”.

Wasiirka oo sharaxaad dheeraada ka sii bixinaaya shanta arday ee nasiibkood siiyey deeqda waxbarasho ayaa yidhi mar kale “Shantan xubnood waxay ka mid yihiin ardaydii ka baxday dugsiga xanaanada xoolaha ee sheekh sanadihii 2007 ilaa 2010, iyaga oo ku guulaystay inay macalimiin ka noqdeen iskuulka xanaanada xoolaha ee sheekh, waxay soo qaadan doonaan dhakhtarnimo mudo saddex sano ah  insha allah waxaanu rajaynaynaa inay dalka dib ugu soo laabtaan saddex sano kadib iyaga oo dhakhaatiir ah oo dalka wax u tara”.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed waa arday ka mid ardayda jaamacada Makerere ka soo baran doona cilmiga xanaanada xoolaha, mar uu dareenkiisa ka hadlaayey wuxuu yidhi “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay fursadan aanu maanta ugu baxayno jaamacada, waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinayaa qolada na siisay deeqdan waxbarasho, gaar ahaan ururka IGAD siiba Eng maxbuub oo isagu suurta galiyey deeqdan waxbarasho, waxaan sidoo kale iyana u mahad naqayaa cidii wakhtigii aanu ku jiray waxbarashada gacanta nagu haysay”

Geesta kale gabadha kaliye eek u jirtay ardayda waxbarashada u tagay Yugaandha oo lagu magacaabo Shugri Jaamac Geele ayaa iyana dareenkeeda cabiraysa “waxaanu u baxaynaa waa baahi dalka ka jirta, dhakhaatiirta xoolaha dalkeena oo yar awgeed, anaga oo isha allah kafayn doona inta awoodeena ah, ma noqon doono kuwo lagu khasaaro, insha allah waxaan rajaynayaa in aan dadkayga iyo dalkayga wax tari doono mudo gaaban kadib”

Shanta arday ee deeqda waxbarasho helay ayaa kala ah:- 1 Shugri Jaamac Geele. 2 Cabdiraxmaan Maxamed Axmed 3. Cabdirisaaq Maxamed Axmed 4. Cabdideeq Maxamed Yuusuf 5. Maxamed Cabdiladiif Xaaji.

Waa markii ugu horaysay ee ururu goboleedka IGAD uu waxbarasho dibada ah u diro arday reer Somaliland ah, in kastoo aanay deeqdani noqon doonin sida uu sheegay wasiirk mid halkaas ku istaagta, hase ahaatee wuxuu sheegay in sanadka danbe la diri doono shan arday oo kale.