Sheekh Shariif Ma Ku Guulaysan Doonaa Inuu Kursigiisa Badbaadiyo?

8
956

 

shariifMuqdisho(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa ay dawladda Somaliya sheegtay inay guulo hore leh ka gaadhay dagaaladii ay ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM kula jireen kooxda Al-Shabaab, iyadoo ku dooday inay qabsatay deegaano cusub.

Guulaha ay dawladu sheeganayso waxa ka mid ah suuqa bakaaraha oo xarun u ahaa Al-Shabaab oo ay ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM ku dhawaadeen, waxaanay ku hanjabeen inay sii wadi doonaan dagaalada ay ku jiraan. Shalay waxa uu Shariif Sheekh Axmed booqday dhismaha African Village oo ay la wareegeen dhawaan,  waxaana sidoo kale uu booqday isgoyska kaasobolaare, tarabuunka iyo masaajidda Macallin Biimaalow iyo Sheekh Cali Suufi. Waxaanu khudbado dhiirigelin ah u jeediyay ciidamadiisa, waxaanu ku labisnaa dirayska ciidamada.

Dad badan oo la socda siyaasadda Somaliya ayaa aaminsan in Sheekh Shariif dagaaladan u waddo si uu u badbaadiyo kursigiisa oo bisha August ee sannadkan uu wakhtigiisu ku eegyahay. Haddii aanu la shir iman guulo uu ka gaadhay ugu yaraan dagaalada Muqdisho, waxa hubanti ah inay bulshada caalamka ee taageersani kalsoonida kala noqon doonaan, islamarkaana ay raadsan doonaan shakhsi kale oo xilkiisa qabta. Haddaba, waxa ay su’aali tahay Sheekh shariif ma ku gulaysan doonaa inuu kursigiisa badbaadiyo mise waxa ku dhici doonta dhirbaaxadii loogu quus gooyay raggii ka horeeyay. Su’aalahaas waxa laga jawaabi doonaa marka la gaadho bisha August ee sannadkan.

Comments are closed.