Xukuumadda Oo Beenisay In Hargeysa Lagu Sameeyo Basaborka Somaliya

1
566

Picture6Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), ayaa si isku mid ah uga jawaabay hadal Taliyaha Laanta socdaalka Soomaaliya ku sheegay in Baasaaboorka dalka Soomaaliya lagu Foojari gareeyo gudaha Somaliland, waxayna labada masuul sheegeen in warkaasi yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, isla-markaana yimid markii xabsiga loo taxaabay dadkii sida qarsoodiga ah Baasaaboorka Soomaaliya ugu samayn jiray Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda duulista hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlayay Munaasibad habeen hore lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Somaliland aqoonsanayn Baasaaboorka Soomaaliya isla-markaana uu ula mid yahay baasaaboorada dalalka kale ee adduunka, si isku mid ahna ay ula macaamilaan dadka sita ka Soomaaliya iyo dadka kaleba.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan Maqlayey Taliyaha Laanta Socdaalka ee Soomaaliya oo arrimo Baasaaboorkooda la xidhiidha nagu xoqaya, waa nasiib daro hadduu qofku calooshiisa qaydhiin u qariyo, waa nasiib daro in qofku runta iyo xaqiiqada hor-taala ka war-wareego, waxaanu u caddeynaynaa dalkaa aynu deriska nahay ee masuuliyiintoodu sidaa u hadlayaan iyo bulshada caalamkaba inaanu nahay dawlad mudakar ah oo wax laaqi ah iyo wax xumaan ah aan ku kicin”

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in Baasaaboorka Soomaaliya uu u gaar yahay Soomaaliya, balse aanu baasaaboor u ahayn shacabka reer Somaliland “Waxaanu u caddeynaynaa Baasaaboorka Soomaaliya inaanu shacabkan iyo dalkan baasaaboor u ahayn oo aanaan u aqoonsanayn baasaaboor Somaliland leedahay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Baasaaboorkaa waxaanu u aqoonsanahay baasaaboor dal shisheeye, wuxuu la mid yahay baasaaboorka Jabuuti iyo ka Itoobiya, waxa laga qaadaa lacagta laga qaado kuwaasi, waxa loola macaamilaa sida kuwaa loola Macaamilo, Somalilan-na, waxay leedahay Baasaaboor, xukuumaddana waxay ku talo jirtaa inay casriyeyso oo ay E-pasport ka dhigto, waxaanu u hawl-galaynaa sidii caalamku u caqbali lahaa, Somaliland-na waa xaqiiqo jirta aan laga mariyeyn mid diidan iyo mid ogolba”

Wasiir Xaashi, oo sii hadlayaa waxa uu sheegay “Somaliland, ma caqbalayso baasaaboor Soomaaliya leedahay oo ay ku qoran tahay wuxuu ka soo baxay Hargeysa, wuxuu ka soo baxay Borama, wuxuu ka soo baxay Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood, qofkii sitana waanu xidhaynaa, hadduu yahay qof Somaliland ka soo jeeda waanu xidhaynaa xaqna waanu u leenahay, halkana (Somaliland) Soomaaliya kama taliso, waxa la yidhaahdaa qaranka Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay talaabo ka qaadayaan shirkaddii fududaysa socdaallo loo isticmaalayo baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku qoran tahay inuu Magaalooyinka Somaliland ka soo baxay “Shirkadda fududaysa socdaalada noocaas ahna talaabo ayaanu ka qaadeynaa”

Dhanka kale, Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), oo isaguna shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa beeniyey in Baasaaboorka Soomaaliya (E-pasport) lagu sameeyo gudaha Somaliland, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka sheegayaa in aanay jirin oo ay tahay wax aan sal iyo raad-toona lahayn  in E-pasport-ka Soomaaliya lagu foojari gareeyo Somaliland”

Taliye, Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in hadalka taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya ka soo yeedhay uu yahay mid ka dhashay xadhiga dadkii sida qarsoodiga ah Hargeysa ugu samayn jiray Baasaaboorkaasi “Arrintan waxa keenay markii la soo taxaabay niman reer Somaliland sheegtay, laakiin ahayn oo guri hoostii ku samayn jiray E-pas-porka Soomaaliya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markii albaabada laga xidhay ayuu keenay inuu fidiyo dacaayad aan sal iyo raad-toona lahayn, oo uu yidhaahdo Baasaaboorka Soomaaliya ayaa lagu foojari-gareeyaa Somaliland”

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland, waxa uu sheegay inaan Somaliland u baahnayn Baasaaboorka Soomaaliya “Somaliland uma baahna Baasaaboor ay foojari-gareyso, Somaliland waxay leedahay baasaaboor xalaal ah, kaasi ayaanu si sharci ah cid kasta oo noo timaada ugu samaynaa”

 

Comments are closed.