Madaxweynaha Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacada Timacade

1
809

Picture7Gabiley (Geeska) – Madaxwayhaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb-galay Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay 103 arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Timo-cadde ee Magaalada Gabiley.

103-da arday ee ka qalin-jabiyey Jaamacadda Timo-cadde ee Magaalada Gabiley oo ah dufcaddii ugu horeysay ee wax ka barata Jaamacaddaasi tan iyo markii la dhisay, ayaa waxa kale oo ka qayb-galay wasiirro badan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Gabiley Cismaan Aw Yuusuf Magan, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey kuliyadaha ay barteen ardayda qalin-jabisay, kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuliyaddii u horeysay tan iyo markii la aasaasay Jaamacadda Timo-cadde.

Guddoomiyaha Jaamacadda Timo-cadde, Cismaan Aw Yuusuf Magan, waxa kale oo uu ka sheekeeyay duruufaha Jaamacaddu la soo martay ardayda Munaasibadda qalin-jabinta loo sameeyay, isaga oo tilmaamay in wax kasta oo ay la soo mareen, haddana ay suurto-gashay inay soo saaraan arday dhan 103, kuwaasi oo bartay culuum muhiim u ah dalka iyo dadkaba.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aaden, oo ka mid ahayd masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa hambalyeysay ardayda ka qalin-jabisay, waxayna u rejaysay guul iyo wanaag iyo in cilmiga ay barteen uu Alle ku anfaco.

Madaxwaynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo gabogabadii xafladdaasi hadal kooban ka soo soo jeediyay, ka hor intii aanu ardayda shahaadooyinka guddoonsiinin, ayaa yidhi isaga oo ugu horeyn dadwaynaha reer Gabiley uga mahad-celinaya sida ay u soo dhaweeyeen Aad-bay farxad iigu tahay inaan ka soo qayb-galo qalin-jabinta ardayda qiimaha badan ee Jaamacadda Tima-cadde, waxa kale oo aan ku faraxsanahay oo aan jecelahay inaan halkan Mahadnaq uga jeediyo, ilaa intii aanu gobolka soo gaadhnay sidii dhaqanka u ahayd, sidii caadada u ahayd si aad iyo aad u weyn ayaa lanoogu soo dhaweeyey. Gobolka Gabiley, waa gobol taariikh iyo Magac ku leh (Somaliland), ilaa waligiina ku lahaa iyo wakhtigii halganka lagu jiray, door weyna ku leh wax soo saarka dalka, door weyn ku leh tacliinta, door ku leh wax kasta oo qaranka difaaciisa iyo horumarkiisa ah, waa Gobol aanu ku faano, waa Gobol ummadu ku faanto, waa gobol dadkiisu aad iyo aad ugu faanayaan”

Madaxwayne Siilaanyo, oo Hambalyeynaya ardayda ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda, Macalmiintooda iyo cid kasta oo gacan ka geysatay waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu sidaa inoogu wado sanadaha soo socda, maalina maalinta ka dambaysa waynu sii badin doonaa, halkaana waynu ka soo wadi doonaa, waxaanan leeyahay Hambalyo ardayda qalin-jabisay”

Madaxwaynuhu, wuxuu balan-qaaday inaan xukuumaddiisu waxba kala hadhaynin taageerada iyo horumarinta Jaamacadda Timo-cadde iyo gobolka Gabiley-ba “Waxaanu balan-qaadaynaa wax alaale iyo wixii awoodda dawladda ah ee dhiirigalinaya ee horumarinaya tacliinta ee gobolka wax la qabanaya ee dadka iyo dalka wax u qabanaya, waa waxa aanu dawladda u nahay, waa waxa aanu xilka u hayno, waa waxa aanu qaranka ummadu noogu xil-saaran tahay ee aanu masuulka uga nahay, markaa diyaar ayaanu u nahay”

 

Comments are closed.