Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Kula Taliyay Inay Ka Jawaabto Dagaalka Taleex

1
576

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda u soo jeediyay inay ka fal celiso dhibaatada dadkeeda reer Taleex ka haysata maamul gobaleedka Puntland.

Waxaanay canbaareeyeen duulaanka ay ku soo qaaday Puntland deegaanada Somaliland ka midka ah,xisbiga Waddani waxa uu sida oo kale daawashada xukuumaddu ay daawanayso shacabkeeda dhibaataysan uu ku tilmaamay mid boog madaw iyada ku ah, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Hadaanu nahay xisbiga Waddani waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay inaanu cambaarayno weerarka joogtada ah ee qaawan ee Puntland ku hayso gobolka Sool si gaar ah degmada Taleex aad iyo aad ayaanu u cambaaraynayaa hadaanu nahay xisbiga waddani”

Xoghaye Uurcade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu hidhi“Waxa kale oo aanu arin nuqsaani ku jirto u aragnaa in xukuumada Somaliland ay ka gaabiso in ay shacabkeeda ku noolo degmada Taleex ay ka difaacdo maamulka Puntland ee hadh iyo habeen ku garaacaya madaafiicda joogtada ah, waana arin  nasiib daro ah inaanay ilaa hada wax go’aan ah kasoo saarin aad iyo aad ayaanu uga xunay in dadkeedii oo la xasuuqayo in ay daawanayso xukuumaddu waan arin nasiib daro ah oo soo wajahday xukuumada KULMIYE.waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumada Somaliland in dadkaas ay dhibaatadu gadhay ay talaabo ka qaado oo wixii ay ufidin karto ufidiso dadkeedaas ku tabaalaysan Taleex waxaana leenahay waa in ay xukuumadda Somaliland talaabo cad ka qadaa faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso Somaliland.”

Puntland ayaa dagaal dhiig ku daatay ku qabsatay magaaladda Taleex oo ay hore u joogeen ciidamadda Khaatumo,waxaana xusid mudan in aanay xukuumadda Somaliland ka hadal dagaalkaas ay Puntland ku qabsatay magaalo dhulkeed ka mid ah.

 

Comments are closed.