Liverpool Oo Guul Wayn Ka Gaadhay Bournemouth Xili Mohamed Salah Saddexley Goolal Ah Dhaliyay

2
3932

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn kasoo gaadhay kooxda Bournemouth oo ay marti u ahayd kulan ka qayb ah Premier League toddobaadkiisa 16-aad, Kulankan ayaa ahaa mid ay Reds si kumeel gaadh ah ugula wareegtay hoggaanka horyaalka.Calaamada ugu weyn ee kulankan ayaa ahayd saddexleyda goolasha ee uu shabaqa la gaadhay hoggaamiyaha Reds ee Mohamed Salah oo markale muujiyay inuu diyaar u yahay u tartamida kabta dahabka ah ee PL.Ciyaarta ayaa ku bilaabantay qaab xoogan isla markaana ay labada kooxood u muuqdeen kuwo bilawga ciyaarta feejignaan badan ku jira iskuna dayaya inay marka hore goolkooda ilaashadaan.Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 14-aad ee kulankan helay fursadii ugu horreysay ee ciyaarta, Kaddib caawin uga timid dhinaca Xherdan Shaqiri garabka ree Masar ayaan darbadiisa ku aadin goolka Bournemouth.Bournemouth ayaa markeeda muujisay sababta ay u tahay kooxda martida loo yahay ee halista laga filan karo, David Brooks ayaa kubad xoogan la bar-tilmaameedsaday goolka Alisson balse goolhayaha ree Brazil ayaa bad-baadiyay.Liverpool ayaa nasiib u yeelatay inay noqoto kooxda fursaysa bandhiga goolasha, Roberto Firmino ayaa kubad gantaal ah la beegsaday goolhaye Begovic, Goolhayaha Cherries ayaa bad-baadin sameeyay balse waxa si deg deg ah kubadda goolka ugu celiyay Salah oo ciyaarta ka dhigay 0-1.Intaa kaddib ciyaarta ayaa noqotay mid aad u xoogan, Kooxda Jurgen Klopp ayaa yaraysay weerarkii badnaa iyaga oo isku dayay inay kubadda xakameeyaan.Qaybta hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-1 ay hoggaanka ciyaarta ku naaloonayso Liverpool, Goolka madiga ah ee qaybtaas ayaa ah midkii Salah ee daqiiqadii 25-aad.Liverpool ayaa qaab dar dar leh kaga soo laabatay nasiimada u dhaxaysa labada qaybood, Mohamed Salah ayaa markale shabaqa ku gaadhay gool uu caawintiisa lahaa Firmino, Goolkan ayaa kalsoonida Reds wayneeyay. Kaddib goolka labaad oo kalsooni weyn ku abuuray Liverpool, Tababare Klopp ayaa kulanka bedel kusoo galiyay Lallana iyo Mane isaga oo ciyaarta ka saaray Xherdan Shaqiri iyo Naby Keita.Liverpool ayaa halkeeda kasii wadatay goolasha, Goolkan ayaan ahayn mid uu dhaliyay xiddig Reds ah balse waxa si qaldan iskaga dhaliyay daafaca Bournemouth ee Steve BrooksJunior Stanislan oo kulankan bedel kusoo galay ayaa daqiiqadii 71-aad isku dayay inuu ugu yaraan hal gool u keeno kooxdiisa walow uu bad-baado cajiib ah sameeyay Alisson Becker.GOOAL: SADDEXLEY – Mohamed Salah ayaa dhammaystiray saddexleyda goolasha ah, Kubad sarre oo uga timid Adam Lallana ayuu Salah orod u sheegtay daafaca Cook isaga oo intaa kaddib si farsamo ka muuqato kubadda u daba mariyay Begovic.Ugu dambayn kulankan ayaa kusoo dhammaaday guul weyn oo ay Liverpool ku xasuuqday dhigeeda Bournemouth, Qoddobada ugu muhiimsan ee kulankan laga xusi karo ayuu kamid yahay in Salah uu hoggaanka gool dhalinta la wadaago Aubameyang oo ay min 10 gool leeyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here