Xukuumadda Maraykanka Oo Dhaqso U Ansixisay Isticmaalka Laba Tallaab Oo Coronavirus Loogu Talagalay

0
469

Hay’adda cuntada iyo dawada ee dalka Marayknaka ayaa Isniintii 13-ka Julaay waxa ay shirkadaha BioNTech SE iyo Pfizer ogolaanshiyo degdeg ah u siisay soo saarista laba tallaal oo lagula tacaali doono ‘Coronavirus’.

Shirkadda BioNTech SE ayaa farriin ay ku qortay barteeda Twitter ka waxa ay ku sheegtay in ay heshay ogolaanshiyaha soo saarista labadan dawo oo ka kooban afar dawo oo loogu talagalay in la iskaga ilaaliyo Coronavirus oo keena xanuunka COVID-19.

Bishii Maarso ee sannadkii horena shirkadda Pfizer ayaa shirkaddan BioNTech SE la gashay heshiis dhigaya in ay iyadu qaybiso, kana masuul ahaato suuqaynta labada tallaal ee Coronavirus ee ay soo saarayso shirkaddan BioNTech SE.

Dhinaca kalana cilmibaadhis cusub oo Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in tallaalka xanuunka Qaaxada oo loogu talagalay in uu ilaaliyo sambabadu uu jidhka ka ilaalin karo Fayraska Coronavirus iyo guud ahaan fayrasyada faafa.

Daraasad ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan maxadka Virginia School of Applied Science iyo jaamacadda New York ayaa lagu ogaaday in ay celcelis ahaan yartahay tirada dadka hore u qaatay tallaalka xanuunka Qaaxada ee uu ku dhacay Coronavirus adduunka oo dhan. Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in tallaalkani uu xoojiyo habdhiska difaaca qofka, taasina ay tahay sababta uu u awoodayo iska caabbinta Coronavirus ka.