Xukuumadda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Dhaqaalaha Afar Sannadood Ay Somaliland Siin Doonaan Iyo Hawlaha Xafiiskooda Hargeysa

0
792

 

gaaloeeeLondon (Geeska)- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale horumarineed oo gaadhaya 95 milyan Euro siin doonaan Somaliland afarta sannadood ee soo socda, maadama Somaliland horumar amaan mudan iyo xasilooni gaadhay 

 

Wasiiru-dawlaha Afrika iyo Barwaaqo-sooranka, Mark Simmonds, ayaa cadeeyey in xukuumadiisu rumaysan tahay in Somaliland kaalin muuqata ka qaadan karto balaadhinta amaanka, horumarka iyo barwaaqo Geeska Afrika gaadho.

Xildhibaan Andrew Rosindell, oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa fadhi uu Baarlamaanku doraad yeeshay ku weydiiyey Mr. Simmonds, su’aal ahayd, “Waa noocma qiimaynta uu ku sameeyey xidhiidhka u dhexeeya Ingiriiska iyo Somaliland, iyo tirada saraakiisha wasaaradiisa ee xilligan ku sugan xafiiska UK ee Hargeysa,”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska, Mr, Mark Simmonds, ayaa sheegay, “Xukuumada Ingiriiska faa’iido weyn ayuu ugu fadhiyaa xidhiidhka ay Somaliland wadaagaan. Waxaan awoodnay inaan dhinacyo badan iska kaashano, oo ay ku jiraan budhcad badeedka iyo dawladnimada. Ingiriisku waxay ballanqaadeen in dhaqaale horumarineed oo gaadhaya £95 Milyan siiyaan Somaliland afarta sannadood ee soo socda. Maadama xafiiskii UK ee Hargeysa xilligan la furay, waxaan rajeynaynaa inaan bilaabno taageeradaa. Somaliland waxay ka gaadhay horumar la taaban karo abuuritaanka xasilooni, marka loo eego gobolka dhibaataysan ee ay ku taal. Waxaan rumaysan nahay in Somaliland kaalin muuqata ka ciyaari karto balaadhinta amaanka, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu wasiirul dawluhu raaciyay “Booqashooyinka rasmiga ee saraakiisha Ingiriisku waxay kula kulmaan madaxda xukuumada iyo dadka ganacsatada si loo fuliyo balanqaadkayaga Somaliland. Sidoo kale waxa noo jooga xafiiska laba shaqaale rasmi ah oo qaabilsan mashaariicda iyo hawlaha siyaasada.”

Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan xafiis ka furatay magaalada Hargeysa, kaas oo ay u joogaan laba wakiil, sida uu wasiirku sheegay, waxaana uu xafiiskani sii xoojin doonaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Geesta kale, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Odeyaasha Ingiriiska ayaa toddobaadkii hore  cadeeyey in furitaanka xafiiska UK ee Hargeysa muujinayso talaabo loo qaaday sidii Somaliland madaxbanaani u heli lahayd.

Aqalka Odeyaasha Ingiriiska oo toddobaadkii hore dood ka yeeshay  talaabooyinka xukuumadda Ingiriisku u qaaday sidii loo yareyn budhcad badeedka, isla markaana loo xasilin lahaa dalalka jaarka ee Geeska Afrika iyo Carabta, ayaa xildhibaanda Baroness Nicholson oo ka tirsan aqalka Odeyaasha Ingiriisku sheegtay, “Talaabooyinka xukuumada Ingiriisku u qaaday inay hogaamiso taageerada beesha caalamku ka geysanayso Soomaaliya iyo dib-u-soo-celinta xukuumad ay yeelato waan soo dhoweynaynaa. Sidoo kale furitaanka xafiiska UK ee Hargyesa, waxaan u arkaa mid soo dhoweyn leh, isla markaana ah talaabo loo qaaday aqoonsi buuxa sidii wadan.