Tirada Askarta Yugaandha Kaga Dhimatay Somaliya Oo La Cadeeyay

0
626

 

Nayrobi(Geeska)-Markii u horaysay waxa la cadeeyay tirada ciidamada Yugaandha kaga geeriyootay hawlgalka AMISOM ee Somaliya, waxaanay tiradaasi hore u ahayd mid sir ah oo aan la soo bandhigi jirin.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mr. Richard Onyonko, ayaa cadeeyay in 2,700 (Laba kun iyo toddoba boqol) oo askari ay dagaalada Somaliya kaga dhinteen dalka Yugaandha, tan iyo sannadkii 2007 oo ay tageen Somaliya. Mr. Richard oo Arbacadii shalay hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nayrobi, wuxuu sheegay inay sidoo kale saddex darsin ka dhinteen ciidamada Kenya ee Somaliya ka dagaalama.

Midowga Afrika iyo Yugaandha midkoodna weligii ma cadayn tirada kaga dhimatay hawlgalka AMISOM ee Somaliya. Mar ay warbaahintu shalay isku dayday inay Afhayeenka dalka Yugaandha wax ka weydiiso tiradan uu sarkaakan reer Kenya sheegay inay Somaliya kaga dhimatay laguma guulaysan in khadka telefoonka lagu helo.