Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa: Maalin-qorka Boobe Iyo Qaybta 19aad

10
823

 

boobe• Weli waxaynu ku irnaa 28kii Ogos 2012ka. Subaxnimadii hore Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa tilifoon ii soo diray. Wuxu igu yidhi arrin degdeg ah ayaa jira ee ii kaalay ama aan kuu imaaddo. Si dhiillo leh ayuu ii la hadlay, anna waan iska fahmay in ay sheekadii xalay tahay. Aniga ayaa xafiiskiisa ugu tegay. Wuxu ii sheegay xalay markii aanu Madaxtooyada ka baxay in ay isaga iyo Samsam halkii aan ka kacay soo fadhiisteen oo ay mowduucii sii wadeen. Waxa kale oo uu intaa igu daray in Madaxweynuhu soo faray in aanay arrintu codsi ahayn, bal se ay amar tahay oo la iiga baahan yahay in aan ku camal-falo, haddii kale isku-dhac imanayo. Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaan ka yaabay. Waxaan aad ula yaabay isku-dhacanuu qofka iiga dhigay ee uu igu leeyahay haddii kale wuu imanayaa. Maxaa isku-dhacba keenay? Awooddaydii xileed ee Wasiirnimo ayaan adeegsaday oo aan laba Agaasime xilkii kaga qaaday. Wasiirku subaxdaa wuxu igu yidhi maxaad labadan nin u sheegaynaysaa maad kuwii aafadan dhigay eridid. Anna yaabay oo idhi: “Oo kuwee?” Ku-ye mushkiladdan waxa u aabo ah dad aan guriga iyo Madaxtooyadaba ka bixin. Wuxu ku daray intaa hore in xataa hanti-dhowrka ay iyagu u yeedheen. Waxaan la yaabay wuxu hadda iigu sheegayo. Wasiirku waxa kale oo uu igu yidhi nimankan aad xilalka ka qaadday magacaabistooda waxa iska leh Madaxweynaha sida uu xalay noo sheegay, bal se markan wuxu u wakiishay Wasiir Geel-jire. Waan la yaabay, hoosna waxaan isku idhi oo Wasiirku ma wuxu moodayaa in Mudane Siilaanyo aanu hadda is-barannay. Si qabow ayaan ugu jawaabay. Waxaanan ku idhi Madaxweynahana Korneyl iyo Janan amarro bixiya midna kuma aan ogeyn, anigana askarinimo iguma uu ogeyn, arrinna wuxu iga taagan yahay halkii aanu Madaxweynaha xalay ku kala tagnay.

 

• Sidii ayaan kaga baxay. Laba iyo saddex jeer oo kale ayaan Wasiirka tilifoon kula soo hadlay bal in uu jawaabtii Odeyga gaadhsiiyay iyo in kale. Maya, ayuu intiiba igu soo celiyay. Waxa isku kay qaban waayay sidii dhiillada lahayd ee uu saaka subaxnimadii ii la soo hadlay iyo sida aanu Madaxweynaha war ugu celin. Run ahaantii, aniguna markii danbe waxaan ka shakiyay in ergo ahaan loo soo diray iyo in kale oo Odeyga naftisii ayaan la hadlay si aannaan isu seegin ama sidii Wasiirkuba sheegayay aannaan isugu dhicin, tiisaba aan raacee.

• Ilaahay ha u naxariisto e’, Cabdi Iidaan Faarax ayaa maansadiisii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ tuducani ku jiray:

• “Damacdaba an raacnee,

• Doontaba an yeellee,”

 

• Intii aan ka hawl-gelayay Xukuumadda ayaan bartay in isku-dirka iyo war-sheekadu door la yaab leh ka qaataan isa-seegga madaxda qaranka, hagaaska iyo habacsanaanta ka muuqata hab-sami-u-socodka hawlaha qaranka. Sidaa darteed ayaan Madaxweynaha ula hadlayay  si uu toos  ugu helo ra’yiga aan qabo oo aanay cid kale iiga tarjumin oo aanay war aanan qabin ama odhanba ugu gudbin.

• Waxa kale oo si cad iigu muuqatay in aanu Wasiirkan ila soo xidhiidhay iyo ku kale midnaba ergo noqon karayn. Maxaa yeelay, marka aynu ergo ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa qof u kala ergayn kara laba qof oo arrin dhex maray oo labadaba dhex u ah. Bal se dhaqan ahaan iyo Islaam ahaanba Wasiir Madaxweyne ka socdaa kama ergeyn karo Wasiir kale oo ay Madaxweynihiisii arrin isku seegeen. Sidaa darteed ayaanan ugu qanacsanayn in Wasiirku ergo ahaa bal se aan u arkayay nin la iigu soo dhiibay farriin.

• Markii warqadda xil-ka-qaadista la ii soo qoray ayaa dhowr meelood la iiga sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu lahaa: “Isagaa qaldan, miyuu amarka Madaxweynaha qaato.” Oo anigu ma in aan isaga ahay ayuu moodayaa.

• Isla subaxnimadaa 28kii Ogos, waxa isaguna igu soo kallahay Guddoomiyaha Dawan oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay. Wuxu iga codsaday in aanu Sabtida sugi karayn ee xilka laga wareejiyo ilaa berri. Waxaan u sheegay sidii go’aanku ahaa in ay Sabtida u soo diyaar-garoobaan xil-wareejinta. Sidaas ayaanu ku kala tagnay. Markii aan Wasiirka Arrimaha Dibadda ka soo baxay, aniga oo Cisbitaalka Guud hor maraya xilli ay saacadduna ku beegnayd ilaa 10.300kii saacadood ayuu Guddoomiyihii Dawan I soo garaacay, waxaanu igu yidhi:

• Wax xil ah oo aan wareejinayaa ma jiro sidii aan saaka kuu sheegay,

• Dagaalkaygii aniguna immika ayaan bilaabayaa,

• Hooyadaana u sheeg,

• Waxba uma celin oo aan ahayn: wax kasta oo aad samayn karto samee, laakiin hooyo-caygaa dhaqanka kuu noqday waad qoommamayn doontaa,

• Qedadii markii aan gurigaygii tegay oo ah halka ugu asturan ee aan Madaxweynaha kala hadli karo, ayaan tilifoon u diray oo aan u sheegay:

• In ay arrintu halkii xalay taallo oo aanan go’aankaygii ka noqonayn,

• In aan Agaasimayaasha aan beddelay dhabarka laga taaban oo aan lagu odhan xilka ha tirinina, sida dhacday ee immika mid ka mid ahi ii sheegay. Waxaan intaa ugu daray in ay qarannimada iyo dhismaha hay’adaha qaranba ay wax yeeli doonto.

• In aanan go’aankaygii beddelin ee uu warqaddiisii xil-ka-qaadista soo qoro ama aan tayda soo qoro, waxaanu iigu jawaabay: “Degdeg ayaad jawaabta u helaysaa.” Aniguna waan u mahad-celiyay.

• Labada Agaasime-waaxeed go’aanka aan xilalka kaga wareejinayay waxaan siiyay barqadii ay bishii Ogos ahayd 27ka. In kasta oo meelo badan laga soo sheegay in ay aamminsan yihiin in xilku meerto yahay oo ay wareejinayaan oo xataa mareegta caynabonews ay wareysi caynkaas ah siiyeen oo aad ilaa immika ka dhegaysan kartaan, haddana 28kii bishii wixii barqadii ka danbeeyay waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hanjabayeen in ay shir-jaraa’id qaban doonaan. Arrintaasi wax saxaafaddu moogtahay ma aha oo inta jeer ee loo yeedhay waa ay garanayaan. Waxa la yaab leh waxa ay sheegi lahaayeen.

• (La soco…………………….)

Comments are closed.