Xukuumada Oo Dhawaaq Dheer Shacabka Ugaga Digtay Khatarta Cudur Ka Dilaacay Somaliya

0
552

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Hay’addaha qaramada midoobay ee taageera ayaa ka qaylo-dhaamiyey cudurka dabaysha  oo laga cabsi qabo inuu ka dilaaco Somaliland, maadaama oo toddobaadkii u dambeeyay la wariyey inuu ka dilaacay dalalka Somaliya, Kenya iyo Yemen oo dhammaantood ay Somaliland jaar yihiin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’addaha taageera ayaa iclaamiyey inay tallaal cudurkaasi lagaga hor-tagayo 16-ka bishan ka bilaabayaan guud deegaanada Somaliland, si looga hor-taggo cudurka Dabaysha (Polio), kaasi oo ilmaha uu ku dhaco dila ama naafeeya.

Cudurkan oo ilaa hadda aan lahayn wax daawo ah oo lagaga bogsado, balse leh daawo lagaga hor-taggi karo, ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay waxa dalalka Somaliya iyo Kenya lagu arkay 14 carruur ah oo uu haleelay, kuwaasi oo midkood ahaa 13 jir.

Shir-jaraa’id oo Wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiinta hay’addaha UNICEF iyo WHO u qaabilsan Somaliland ku qabteen huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu faahfaahiyey khatarta cudurka dabaysha, dedaalada lagaga hor-tagayo inuu dhanka Somaliland ku soo fido, waxaana masuuliyiintii halkaasi ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada arimaha bulshada, Diinta iyo Awqaafka iyo xildhibaano ka socday guddi hoosaadka arimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa bulshada loogu diray fariin ah inay ka faa’ideystaan ololaha tallaalka lagaga hor-tagayo cudurka dabaysha.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaynu doonaynaa inaynu dadkeena ka wacyi-galino xanuunka Dabaysha, xanuunkani waxa uu keenaa naafanimo, qofka xanuunkaasi naafeeyaana wuu ka duwan yahay naafada kale ee xabadi ku dhacdo, cudurkaasina dawo malaha, markaa inaga oo helayna ka hor tag inaynu sugno maaha, daawadiisa ka hor-taguna waa bilaash, waxaan filayaa haddii uu lacag ahaan lahaa in kuyuu dheer loo gali lahaa, laakiin waxaanu warbaahinta ka codsanaynaa inay dadka cod dheer ugu sheegaan sidii looga hortagi lahaa cudurka Dabaysha”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna shacabka fariinta u diray “Diinta Islaamku waa Diin qofka ixtiraamta oo nolosha u hagaajisa oo caafimaadkiisa ka shaqeysa, Nebigeenuna (SCW) wuxuu leeyahay is-daweeya xanuun kastaa dawo ayuu leeyahay, markaa weerarka xanuunkaasi inagu soo qaadi doono waa inaynu ka hor tagnaa oo aynu dadkeena ka wacyi-galinaa”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah guddi hoosaadka arimaha bulshada ee golaha Wakiilada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan in la sameeyo xeer dadka ku khasbaya inay carruurtooda talaalaan “Warbaahinta waxaanu ka codsanaynaa inay tidhaahdo ka kaca xanuunkii dabaysha ayaa weerar inagu soo qaadaye, dadkana haka wacyigaliso si xun wax u fahmida ah in tallaalka xanuuno kale laga qaado, Haddii dadka iyo warbaahintu nala qaadan waayaan waxa aanu sheegayno oo ay dadka ka dhaadhici waydo inaanu soo saarno xeer khasab ka dhigaya in la tallaalo, sababta oo ah waxaanu ognahay dhibaatada uuleeyahay iyo curyaamida uu keenayo, waxaanu garab taaganahay dedaalka Wasaaradda caafimaadka”ayuu yidhi.

Shirka jaraa’id oo uu ka hadlay madaxa hay’adda UNICEF ee Somaliland, ayaa sidoo kale waxa iyaduna ka hadashay Aasiya Cismaan oo ah madaxa Somaliland ee hay’adda WHO, waxayna tidhi “Xanuunka dabaysha waxa tallaalkiisa laga bilaabay adduunka 1988-kii, waxaana la yidhi carruurta adduunka halaga hor-joogsado, adduunkana halaga cidhib-tiro, Somaliland-na waxa tallaalkiisa laga bilaabay 1997, waxa kale oo wakhtigaa la bilaabay mashruuc kale oo lagu daba-galayo, waxaana la bilaabay kaasi 1998-kii, laakiin markii ugu horeysay ee qof Somaliland ah laga helo waxay ahayd 2007-dii, markaa lix sanadood ayaynu dabayl la’aan ku noolayn (Polio free), laakiin wakhtigan aynu joogno Muqdisho, Yemen iyoKenya ayaa lagu sheegay, markaa waxa inoo tallo ah inaynu xoojino debogalka, dabagalkaana waxa la raacinayaa tallaalka carruurta shan jirka ka yar, waxaana qorshe inoo ah inaynu aqal walba carruurta ku jirta aynu tallaalo, talaalkana waa tallaalo badbaado ah oo aan cidna waxba yeelayn”

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Dr Xuseen Xoog) oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa fariin u diray shacabka iyo dawladda Somaliland “Dalalka adduunka oo dhami iskuma halayn karaan inay cudurka Dabayshu aanu dalalkooda ka dilaacin haddii aanay dedaal samaynin, cudurka dabayshu saddex waddan ayuu si rasmi ah u deggan yahay, waa Pakistaan, Afghanistan iyo Nigeria, inta uu saddexaad meelood saldhiga ku leeyahay adduunka oo dhami wuxuu halis u yahay inuu caado cudurka Dabaysha cid dedaal samaysa mooyaane, xanuunkaasina imika dhan walba wuu inaga soo weeraray oo Yemen, Somaliya iyo Kenyaba wuu ka dilaacay, markaa waa inaynu galnaadagaal qaranka oo dhami u dhamaystiran yahay Madaxwayne ilaa ka ugu hoseeya, dagaalkaasi oo aynu kaga hor-tagayno cudurka Dabaysha” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa loo baahan yahay in hawl-wadeenada caafimaadku sidii ay u shaqeyn jireen si ka duwan ay u shaqeeyaan”

Shirka jaraa’id ka dib, waxa xubnaha saxaafadda la siiyay tababar kooban oo la xidhiidha xanuunka dabaysha, waxyaabaha keena, carruurta uu ku dhaco, khatarta uu leeyahay, hababka uu u faafo, iyo sida looga hor-taggi karo, waxaana ujeedada tababarkaasi ahaa in saxaafaddu ay shacabka si tool moon uga wacyi-galiyaan khatarta xanuunkaasi isla-markaana ay dadku carruurtooda tallaalaan.