Khilaafkii Shirka Sacad Muuse Oo Xal Laga Gaadhay Iyo Nuxurka Go’aamo Gudi Is-Xilqaantay Soo Saartay

0
3644

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddi iskugu jira Culimo, Xildhibaano, Waxgarad iyo aqoonyahan oo ka tirsan beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo isku xil-qaantay xalinta khilaaf ka dhashay shirka Beesha Sacad Muuse  ayaa Shalay soo saaray  go’aamo xal lagaga gaadhayo khilaafkaasi oo markii hore bilaabmay markii waxgarad iyo salaadiin beesha ka soo wada jeedaa ay shirar gooni gooni ah qabteen, kuna Magacaabeen guddiyo qaban-qaabo oo mid walba shirwaynaha beesha diyaarinayey,

 

Shirar maalmihii u dambeeyay ay guddidu la yeelanayeen Madax-dhaqameedka beesha iyo dhinacyadii hore isugu maan-dhaafay qabsoomida shirwaynaha beesha, ayaa soo saaray bayaan ka kooban go’aamo loogu tallo-galay in xal lagaga gaadho khilaafkaasi.

Go’aanka ay soo saareen guddidaasi ayaa u dhignaa sidan “Sidaad wada ogtihiin waxa kasoo baxay madax-dhaqameedka iyo guddiyada iska soo horjeeda ee beesha Sacad Muuse baaqyo isburinaya oo lagu kala aragti duwan yahay nooca shirka Beesha Sacad  Muuse noqonayo.

Baaqyadaasi markiiba waxa ka biyo diiday madaxda dhaqanka oo u arkay in masuuliyaddii dhaqan ee ay lahaayeen lala garab maray cabashona ka muujiyeen, waxa iyana soo baxay guddiyo ka tirsan beel weynta Sacad Muuse oo ku kala aragti duwan nooca shirku noqonayo, waxaana adkaaday fahankii shirka, taasi waxa ay keentay in la is weydiiyo shirku ma shir dhaqanbaa mise waa mid siyaasadeed.

Arrinta fahan waageedu waxa uu keenay khilaaf iyo kala fogaansho dhex maray dhinacyadii dantu ka dhaxaysay oo cidiba xadhiga dhan u jiiday, arrintaas markii khilaafkeedu dibeda u soo baxay waxa soo dhex galay sida ku cad qoraalka hore odayaal iyo Culimo awdiin ka tirsan beesha waxaanay dhamaan madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ay la yeesheen xog-waraysi. Waxaanay weydiisteen inay kalsoonida arrinta siiyaan odayaasha iyo Culimo awdiinka beesha, dhamaan guddiyaduna waa ay ka aqbaleen kalsoonidii ay siiyeen.

Waxaanu uga mahadnaqaynaa madaxa dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen kalsoonidana noo siiyeen.

Waxa dhamaan isku wada raacsanahay sida ka muuqata warbixinadiinii in shirku yahay mid dhaqan ee aanu ahayn mid siyaasadeed.

·         Haddaba markay aragtay guddidu in khilaafka dhex yaala madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ahayn mid qoto dheer.

·         Markay gudidu u dhaba-gashay khilaafkii dhex yaalay madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad.

·         Markay dhagaysi iyo qoraalba ka samaysay madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad ee uu khilaafku dhex yaalay

·         Markay danta beesha dhan walba ka eegtay

·         Markay ka fikirtay khasaaraha ka iman kara tafaraaruqa beeshu aanu cidna dan u ahayn

·         Markay aragtay guddida in sadexda qodob ee ugu muhiimsan in ay isaga mid yihiin

Madax dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad oo ah sida hoos ku xusan:-

1.       In la qabto shirweynaha beelaha Sacad Muuse lagana ilaaliyo wixii caqabad ku keeni kara.

2.       In ay shirka Sacad Muuse qabashadiisa looga danbeeyo cida xaq u leh oo ah madaxda dhaqanka.

3.       In aan shirweynaha dhaqan ee loo qabanayo beelaha Sacad Muuse aan lagaga hadal wax siyaasad ah mudada shirku socdo.

Waxay guddida xalinta khilaaf saarku soo saartay go’aamadan:-

1.       In si niyadsami ah la isku saamaxo illaahay hortiis si loo helo wada shaqayn wacan oo wax ku ool ah.

2.       Sida kor ku qoran kana muuqata dhamaan soo jeedimihii madax-dhaqameedka iyo labada guddi ee koowaad iyo labaad shirku waa shir dhaqan waxaana hogaaminaya madax-dhaqameedka.

3.       Salaadiintu waxay soo xulayaan ergooyinka iyaga oo la tashanaya cuqaasha beesha tirooyinkuna waa tusmo.

4.       Xog-haynta shirka waxa magacaabaya shirguddoonka marka ay la tashadaan salaadiinta kale iyo cuqaasha

5.       Guddida qaban qaabada waxa magacaabaya salaadiinta waxa tiro macquul ah ka qaadanayaan labadii gudi qaban qaabo ee hada jira wixii kalena waxay qaadanayaan beelaha aanay cidi kaga jirin tiradaa macquulka ah ee laga qaatay labadaa guddi.

6. kharashka shirka waxa wada samaynaya salaadiointa iyo Guddida qabanqaabada .

7. Goobta shirka waxaan soo jeedinaynaa in laga dhigo Agabar

8. Tirada ergooyinka waxan soo jeedinaynaa in aaanay ka badan 600 oo qof waxaanay ku xidhnaan doontaa dhaqaalaha la helo korodhsiimo iyo dhimidba.

9. Af-hayeenka shirka waxa magacaabaya Shirguddoonka

Magacyadda Guddida Xalinta Khilaaf Saarka

Xildh. Muxumed Aw Axmed Guddoomiye

Sh Muxumed Sh Suufi – Xubin

Sh Khaliif Sh Xassan –   xubin

Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil – Xoghayn

Maxamed Muuse Diiriye –  Xubin

Cumar Boobe Xandulle – Xubin

Maxamed C/laahi Loodoon – Xubin

Maxamed Meecaad – Xubin

Xasan Cali Muuse – Xubin

Dhinaca kale, Salaadiinta Sacad Muuse oo fadhiday madasha Go’aankan ay ka akhriday guddidu oo ahaa Guriga Salaadiinta Habar Awal ayaa guddoomay go’aamadaasi. Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Guddoomiyaha Guddida Salaadiinta Sacad Muuse ayaa madashaas kaga dhawaaqay Salaadiin ahaan in ay aqbaleen, waxaanu ka codsaday Guddida in aanay ka dheeraan oo ay la garab taagnaadaan Tallo iyo Tusaale inta shirku ka qabsoomayo.