Jaamacada Admas Oo Xaflad Sagootin Ah U Qabatay Ardayda Dugsiga Sheekh Madar

0
656

Hargeysa(Geeska)-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay Jaamacadda Admas University College qaybteeda Hargeysa iyo   Dugsiga Sare ee Sh.Ibraahim Sh.Yuusuf  Sh.Madar ay si wada jirt ah u qabteen, ayaa lagu sagootiyey  ardaydii dhamaystay Digsigaasi sare.

Xafladdan oo ahayd mid meeqaam sare ah loo soo agaasimay laguna qabtay Huteel Crown-ee Magaaladda Hargeysa, ayaa ujeedada loo qabtay ahayd inay isku Macasalaameeyaan Macalimiinta dugsiga Sare ee Sh.Ibraahim Sh.Yuusuf Sh.Madar iyo Ardayda Fasaladda 4-aad ee Dugsigaasi, wax ka dhigata oo bishan 15-keeda maalinta Sabtida ah  Imtixaanadda Shuhaadiga ah u fadhiisandoonta. Xafladdan Sagootinta ahayd waxa qabsoomideeda hirgaliyey kana Caawiyey  Dugsigan jaamacada Admas  qaybteeda Hargeysa.

Munaasibaddaan waxa  ka qayb galay Maamulaha dugsigaasi Siciid Cabdi Shiil iyo Macalimiinta  Maamulka Dugsigan, qaarka mid ah Madaxda Sare  iyo Macalimiinta Jaamacadda Admas ee  Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Axmed Xasan Xaaji  Prof. Soloman Wakjire, oo dhamaantood ah Maamulka iyo Masuuliyiinta ka hawlaga Jaamacadaasi iyo Ardayda kala duwan ee wax ka barata Dugsida sare ee Sh Madar gaar ahaan kuwa Fasaladda 4-aad ee Sabootinka loo sameeynaayay,Waalidiinta Ardaydaasi,Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka ee HIDA BILA iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Maamulaha Dugsigan ay araydu ka baxaysay  oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi  “ Waxa aan halkan uga mahadcelinaya Masuuliyiinta ka socota Wasaaradda Waxbarashada iyo Madaxda iyo Proffessorada ka socda Maamulka Jaamacadda Admass University qaybteeda Hargeysa,waxa kale oon u mahacelinaya dhamaan hawladeenada keena hadii  yihiin Maamulka ku cigeenka iyo Macalimiintaba iyo Ardaydayadii Fasalada Foonfooradda dhamaysay intaba waan salaamaya,iyado aynu joogno Xafladii Sabootinta ardaydii sanadkan  2013-ka qalinjabindoonta waxa aan halkan uga macadnaqaya Guddida Waalidiinta ah ee ardayda Isgkuulka dhigata runtii maanta waxa inala jooga 5-ka mid ah gudigaasi aad iyo aadna waan ugu mahadcelinaya sida Xilkas nimada leh ee ay noola shaqayn jireen mudidii dheerayd ee ardaydoodu dugsiga dhiganaysay”

Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh Madar waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oon marnaba la ilaawi karin Maamulka Jaamacadda Admas University oo samaysay Barnaamij wax ku ool ah oo ardayda lagaga dhisaayo Maadooyinka uu SCEINCE-ku ka midka yahay  waxa  ayay noo keeneen,waxa aynoo keeneen sido kale Macalimiinta dalka ugu fiican waxana Barnaamijkaasi ku samaynaayay Jaamacada admas oo iyagu Maalgalintana sameeynaayay oo ardayduna abaalkaasi way u hayaan oo way u celindoonaan hadii ALLE yidhaahdo  waxanan leeyahay halkaas ka sii wada kuwan iyo kuwa danbeba “

Hooyo Sucaad Cali oo iyana ku hadlaysay afka waalidiinta ardaydoodu dhigato dugsiga sare ee Sheekh Madar waxanay tidhi“Waxa aan si aad ah ugu mahadcelinaya dhamaan Maamulka iyo Macalimiinta dugsiga Sare ee Sheekh Madar oo runtii door muhiim ah ka qaatay barbaarinta iyo Tacliin barida Ubadkayaga oo ilaa heerkan hada soo gaadhsiiyay waxanan sido kale u mahadcelinaya Maamulka Jaamacadda Admas oo runtii hirgaliyay Xafladdan quruxda badan ee aynu maanta iskugu nimid”

Axmed Xasan Xaaji oo ah (Academic Vice President of Admas University) oo isna dhankiisa ku hadlaayay afka Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu si wayn ugu faraxsanahay in aanu idin kala soo qaybgalo munaasibadan aad ku qurxoon waxana naga go’an in aanu mar kasta garab iyo gaashaanba u noqono o wixii aanu tari karno ka jaamacad ahaan,waxanan idiin rajaynaya in aad halkaasi ka sii wadaan Waxbarashadii hadii ALLE yidhaahdo.”

Dhinaca kale Jaamacadda Admas University waxay samaysay Barnaamij ay ku tayaynayso korna ugu qaadayso waxbarashadda Ardayda wax ka barato Dugsiyadda Sare ee ay ka mid yihiin Maxamuud Axmed Aw Cali,Gacan Libaax,Faarax Oomaar iyo Dugsiga sare ee Gaandi oo dhamaan Dugsiyadda sare ee Caasimadda Hargeysa ku yaala ay u qabteen Macalimiinta ka Caawindoona ardayda Fasaladda 4aad maadooyinka ay dhigtaan Mushahaaraadka Macalimiinta.