Xoolaha Dekedda Berbera Lagu Soo Celiyay Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Sucuudugi Ku Go’aan Qaato

0
3002

 

aw daahirHargeysa(Geeska)-Halis sumcadeed oo dhinaca dhoofka xoolaha ah ayaa la saadaalinayaa inay soo waajahi doonto  xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera ee tagga dalka Sucuudi Carabiya, ka dib markii dekedda Berbera toddobaadkan lagu soo celiyay xoolo ka dhoofay.

 

Dawladda Sucuudiga ayaa dib u soo celinta xoolahan ku sababaysay xanuunka loo yaqaan PPR oo laga helay qaar ka mid ah xoolahaas, ka dib markii lagu baadhay ka hor inta aanay gelin gudaha dalka Sucuudiga. Wasiirka xanaanada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa qiray in xanuunkaas dartii xoolahan loo soo celiyay, waxase uu ku dooday inay xanuunkan hore uga talaaleen xoolaha Somaliland. “Xanuunka ay baadhitoonkooda ku sheegeen waa xanuun aanu dhawaanahan dalka kaga talaalaynay kumanaan kun oo neef ah. Waa xanuun khatar ah, waxaanan ka xunahay in xoolaneenii dib loogu soo sheegay xanuunkaas.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka xanaanada xooluhu isagoo u waramay telefishanka HCTV, waxaana halkaas ka muuqata inuu wasiirku qiray in xanuunkaasi ku dhex jiro xoolaha Somaliland, taas oo ah halis miisaankeeda leh.

Xoolaha xanuunka laga helay ayaan ahayn xoolihii ay dekedda Berbera caanka ku ahayd ee ka dhoofi jiray, waana adhi ku nool dalka Itoobiya oo ay dawladdii hore ka mamnuucday inuu dekedda Berbera ka dhoofo, waxaana loo yaqaan Adhi Itoobiyaanka dabada dheer leh. Laakiin waxa la sheegay inuu wasiir Cabdi Aw Daahir dhawaan ogolaaday in xoolahan ay xukuumadii hore mamnuucday ay dalka ka dhoofaan, waana sababta keentay inay xoolahani ka dhoofaan dekedda Berbera oo aanay weligeed ka dhoofin.

Saraakiisha Maxjarada Berbera ayaa iyaguna qayb ka ah in xoolahaas dib loo soo celiyo, maadaama oo marka ay xooluhu dhoofayaan ay ku sameeyaan baadhis caafimaad si ay xooluhu uga badbaadaan in Sucuudigu soo celiyo amaba uu ka shakiyo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera oo magac wanaagsan ku leh suuqyada xoolaha ee dalalka Carabta.

Si kastaba ha ahaate inkastoo aan la ogayn inay dawladda Sucuudigu ku go’aan qaadan doonto xoolahan ay dib u soo celisay, haddaan wasaaradda xanaanada xoolaha iyo masuuliyiinteeda mar walba dib u soo celinta xoolahani waa ku ceeb, waxaanay sidoo kale ceeb ku tahay guud ahaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.