Wasiir Geeljire Oo Ka Jawaabay Sababta Uu Xoghayaha Guud Ee UDUB Ugu Bixiyay Nanaaysta Jug-soo-dhacay

1
779

 

geel jireHargaysa( Geeska )-Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) ku eedeeyay inuu u bixiyay naanaysta uu xilligii ololihii doorashada ku caan baxay ee Jug soo dhacay, waxaanu sheegay inuu Mr. Geeljire bixinta naanaystaas iyo difaaciisii KULMIYE uu ku helay xilka wasiirnimo.

 

Mr. Jaamac Yaasiin, oo degen dalka Faransiiska, ayaa qoraalka uu kaga hadlayay naanaystiisa jug soo dhacay iyo cidda u bixisay, wuxuu yidhi “Waakii xisbiga Kulmiye anfariirka qaaday ee ay ku kaliftay inay adeegsadaan Tola’ayey, kiraystaana Serviceska khusuusiga ah ee qooraaga dacaayadda: Mr. GEEL-JIRE. Waakii ninkaasi ii bixiyey naanaysta JUG-SOO-DHACAY, markii taaha Kulmiye dami waayey. Usbuuc walba, maqaalad cay ah, miyaanu duxan jirin, lana daba joogii jirin Xoghayaha Guud iyo xisbiga Udub? Miyaanu ku mutaystan, shaqadii awr-kiraale, promotion wasiirnimo?. Waxay taasi ka marag kacaysaa in Mr. GEEL-JIRE kar weyn ka riday xisbiga Kulmiye, dabadeedna la abaal mariyey. Ilaa hadda, daba ka-welwel buu xisbiga Kulmiye qabaa inaan waran kaygi lasoo noqdo, doorashooyinka soo socda. Waata joogaysay inaan la badelin Wasiir GEEL-JIRE, intii isku-shaandheyta xukuumaddu dhacaysay.”

Haddaba, WargeyskaGeeska Afrika, wuxuu xalay la xidhiidhay Wasiir Cabdillaahi Geeljire, oo wakhtigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa saxaafadda ku soo bandhigay jiray qormooyin madadaalo iyo xiiso xambaarsanaa oo qaar ka mid ah uu ku bixiyay magaca caan baxay ee Mr. Jug soo dhacay. Wasiir Geeljire, wuxuu Geeska Afrikaweydiiyay su’aalo ku saabsan sida uu ku bixiyay magaca Jug soo dhacay iyo inuu bixinta magacaas ku helay xilka wasiirnimo iyo weliba  eedaha uu Jaamac Yaasiin Faarax u jeediyay. Waxaanay su’aalihii iyo jawaabihii u dhaceen sidan:

Wasiir Geel-Jire,  Jaamac, waxa uu sheegay inaad adigu u bixisay magaca Jug soo Dhacay, bal waxaad na xasuusisaa sida uu magacaasu ku soo baxay?

 Magacu waxa uu ku soo baxay, Jaamac Yaasiin isaga oo aan wadankana inala daganayn siyaasadana kamid ahayn xisbigana (UDUB)  kamid ahayn, intaan ka warqabnay oo dadka ka muuqda aanu ahayn, ayuu soo raacay maydkii Maxamed Ismaaciil Bulaale Alle hawnaxariistee, xoghayahii ka horeeyay isaga oo ahaa nin  qiimo badan.

Muddo yar oo aan is idhi bilba may ahayn isaga oo joogay, shirweynii xisbiga waa tii loogu doortay xoghaye guud, markaas qof baarashuud ku soo dagay oo kale uun buu ahaa, waayo rag badan ayaa xoghayaha guud kuyuu ugu jiray oo sugaayay, xisbigana in badan u soo shaqeeyay, markaas Jaamac sidaas ayay Jug Soo Dhacay ay ugu soo baxday.

Jaamac waxa uu sheegay inaad difaacweyn Kulmiye uga noqotay wakhtigaas, taasina ay tahay sababta aad xilka wasiirnimo ee imika aad hayso ku heshay, arintaas maxaad kaga jawaabi lahayd?

Wax jira maaha, xisbiga [KULMIYE] anigu waatan ku biiray, madaxweynaana imika isumay-kaayo horayne ilaa jabhadiibaan la shaqaynaayay, xisbiga markii aan ku biirayna waajibkayga ayuuN baan ka soo baxay oo waxii aan qaban karaayay ayuun baan qabtay ee ku salaysnaa xisbiga iyo hawshiisa.

Wasiir Geel-jire wax kasta oo aad samayseen xiligii aad mucaaradka Ahaydeen xilkii waxaad ka tuurteen ugu danbayntii xisbigii awooda badnaa ee Udub, xisbigii imika waa kan oo waxa ku yimi burbur, ma waxa jira wakhti kale oo aad ku bixiseen inaad saaxada siyaasada ka saartaan?

Maya, maya habayaraatee wax faro galin ah xisbigaas kumaanu samayn, xisbigana waad ogtahiin oo isagaa isugu filnaaday inuu saaxada iska saaro, isagaana qaybsamay oo burburay,aniguna kamid ayaan ahaan jiray xisbigaas oo xoghayaha siyaasada ayaan ahaan jiray waanan garanaayay xisbigaasu in uu dawladnimada oo kaliyaata uu ku dhisnaa, laakiin xisbi gunta ka dhisan muu ahayn, xukuumadu intii ay jirtayna iyadaa halaysay, oo xisbigu waxa uu ahaa mid aan aad u shaqaynayn, markii xukuumadii meesha ka baxdayna mindiyii laysku qarsanaayay ayaa laysula soo baxay.

Lakiin waanu ka xunahay burburkisa runtii, waayo waxa uu ahaa xisbni aasaas u ahaa dimuqraadiyada, doorashooyuin  badana soo qabtay wakhtigiisii, dalkana wax weyn ku soo kordhiyay, markaas inuu burburo waanu ka xumaanayba.

Comments are closed.