Boqor Raabi Oo Ku Guuldaraystay Dacwad Ka Dhan Xildhibanada Ciidagale Ee Baarlamanka Somaliya

1
1131

 

raabiiMuqdisho(Geeska)-Maxkamadda sare ee dalka Somaliya ayaa go’aan ka gaadhay dacwad uu Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, oo ah madaxdhaqameed reer Somaliland ah balse Muqdisho ku sugani u gudbiyay oo la xidhiidhay in la la laalo afar xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Somaliya oo u dhashay Beesha Ciidagale.

 

Boqor Raabi, oo dhawaan Hargeysa ka tagay, ayaa maxkamadda sare ee Somaliya u gudbiyay dacwad nuxurkeedu ahaa inuu isagu yahay cidda keliya ee awood u leh xulitaanka xildhibaanada Beesha Ciidagale, waxaanay maxkamadda sare burisay go’aan ay hore ugu taageertay dacwadda Boqorka.

“Xildhibaanada Beesha Ciidagale waxay ahaanayaan oo ay maxkamadu dib u eegiseed u aqoonsatay kuwa hadda ku jira Baarlamaanka ee ay soo xuleen Suldaan Ibrahim Cismaan (Dheeg) iyo Caaqil Maxamed Aadan Xiis, iyagoo ka wakiil ah Suldaanka guud ee Beesha Ciidagale.” Sidaas ayaa lagu yidhi go’aanka maxkamadda sare oo shalay loo gudbiyay Baarlamaanka Somaliya oo uu ku saxeexnaa garyaqaan Caydiid ilka-xanaf oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalyia.

Waxaana halkaas weji gabax kala kulmay Boqor Raabi, oo doonayay inuu xildhibaanada kala ah Mahad Maxamed Ducaale, Xuseen Carab Ciise, Xiise Muuse Cawl iyo Cabdiqafaat Oomaar, oo u dhashay Beesha Ciidagale ka saaro Baarlamaanka Somaliya,  waxaanay maxkamadu sheegtay inay xildhibaanimada raggani yihiin kuwo sharci ah. Maxkamadu waxyaabaha ay daliishatay waxa ka mid ah Wakaalad Saldanadeed oo uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir u qoray Ibrahim Cismaan (Dheeg) iyo Maxamed Aadan Xiis oo xulay afartan xubnood, kana mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qayb galay shirkii odayaasha Muqdisho u qabsoomay doorashadii Baarlamaanka ka hor.

Comments are closed.