Xogo Xiiso Badan Oo Laga Yaabo In Aanad Hore Uga Maqal Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama (Q:4aad)

0
553

oooooooooooWashington (Geeska)- Shabakadda Ranker ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa dhowaan baahisay xogo xiise badan oo la xidhiidha madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama. Xogahan oo uu Geeska Afrika u turjumay afsoomaali waxa ay soo bandhigayaan macluumaad aanay dad badani hore u ogeyn oo la xidhiidha shakhsiyadda, iyo nolosha qoysnimo ee uu ku soo barbaaray madaxweyne Barak Obama ka hor intii aanu noqon madaxweynaha 44 ee ddalka Maraykanka. Hoos ka akhri qaybtii Afaraad:

10.  Macallin Jaamacadeed oo Sharciga dhiga:

Barack Obama markii uu ka qalinjabiyey kuliyadda sharciga waxa uu bilowgiiba noqday qareen u shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha xuquuqda madaniga ah ee dalka Maraykanka, muddo yar gudaheedna isaga oo shaqadiisan wata waxa uu dhinaca kalana maacallin ka noqday jaamacadda Chicago ee dalka Maraykanka.

Su’aalo la weydiiyey ardaydii uu Obama xilligaas macallinka u ahaa ayaa ay ku caddeeyeen in uu mar kasta xoogga saari jiray muhiimadda ah leedahay dhegeysiga duruusta, shaqo badnaanta iyo in radaygu uu yeesho himilo iyo hiigsi aad u sarreeya oo uu mar kasta gaadhistiisa u dadaalo. Waxa uu ardaydiisa kula talin jiray in ay samaystaan ruux xiddig u ah oo ay ku daydaan go’aanna ku gaadhaan in aanay is dhiibin illaa ay gaadhaan yoolkoodaas. Ardaydan oo marar kala duwan warbaahinta iyo cilmibaadhayaashu la sheekaysteen waxa ay ka marag kaceen in Barack Obama intii uu macallinka ahaa mar kasta hadalladiisa la xidhiidha siyaasadda laga dareemi jiray in uu siyaasadda u arko in aanay ahayn uun jid lagu gaadho kursiga iyo madaxnimada, ama lagu jebiyo oo lagaga adkaado cadowga.

11.     Dhimashadii aabihii:

Madaxweyne Barack Obama aabihii Xuseen Obama waxa uu ahaa ardaygii abid ugu horreeyey ee Afrikaan ah, eek u biira jaamacadda Hawaii, taas oo markii uu dhammaystay uu haddana galay jaamacadda caanka dunida oo dhan ka ah ee Harvard. Xuseen Obama markii uu waxbarashada dhammaystay waxa uu dib ugu noqday dalkiisa hooyo ee Kenya oo uu ka noqday siyaasi iyo dhaqaale yahan caan ah.

Xuseen Obama dhowr shil gaadhi ayaa uu galay, intii uu noolaa, waxaana ugu horreeyey, shil uu galay sannadkii 1970kii, halkaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah dhudhumada lugaha. Dhowr sano kadib waxa uu galay shil gaadhi oo isna uu kaga dhaawacmay labada lugoodba. Ugu dambayntiina sannadkii 19982kii, Xuseen Obama waxa uu galay shil baabuur oo uu markan ku naf waayey, iyada oo ay da’diisu ahayd 46 sano. Xilligaas Barack Obama da’diiisu waxa ay ahayd 22 sano jir.

12.     Kala guursiga Jinsiyadaha kala duwan:

Barack Obama waxa uu ka soo jeedaa jinsiyado kala duwan, sidoo kale waxa uu la dhashay walaalo dhinaca aabo iyo hooyaba ah oo kala jinsiyado duwan.

Barack Obama aabihii waa Afrikaan u dhashay dalka Kenya, hooyadiina waa caddaan Maraykan dhalada ah, hooyadii iyo aabihii waxa ay isku guursadeen magaalada Hawaii oo sida aynu kor ku soo xusnay uu jaamacadda kaga jiray Xuseen Obama. Xilligaas Xuseen Obama ay is guursadeen Stanley Ann Dunham dalka Maraykanka waxaa sharci ahaan mamnuuc ahaa in dadka kala jinsiga ahi isguursadaan, laakiin nasiibwanaag guurka lammaanahani waxa uu dhacay ka hor intii aanu gobolka Hawaii noqon gobolka Kontonaad ee dalka Maraykanka, sidaa awgeed sharcigani kama uu jirin. Sannadkii 1959kii ayaa uu gobolka Hawaii si rasmi ah ugu biiray dalka Maraykanka oo uu noqday gobolka 50aad, nasiib wanaagga kale ee taariikhdan ku jirtayna waa in xilligaas gobolku midnimada galay ay laba sano uun ka horreysay dhalashadii Barak Obama. Haddii aanay sidaas u dhici lahayn, oo Obama uu dhalan lahaa intii aanu gobolka Hawaii ka mid noqon Maraykanka, maanta ma’ay dhici karteen in uu madaxweyne ka noqdo dalka Maraykanka, waayo dastuurka dalka Maraykan waxa uu mamnuucayaa in madaxweyne uu dalka ka noqdo qof ku dhashay meel ka baxsan dalka Maraykanka.

13.     Kaalmihii sare ee uu waxbarashada ka geli jiray iyo calaamadaha hoggaamiyenimo oo isaga oo yar ka muuqanayey

Obama waxa uu ka soo qalinjebiyey kuliyadda sharciga ee jaamacadda Harvard sannadkii 1991kii, qaar badan oo ka mid ah macallimiintiisii jaamacadda oo laga waraystayna waxa ay xaqiijiyeen in xitaa markii ardayda uu Obama ahaa ay ka muuqatay bidhaan madaxnimo, oo xitaa isaga oo weli arday yar ah oo aanay siyaasadi u dhoweyn haddana hab-dhaqankiisa iyo calaamado guud oo laga dareemayey hoggaamiyenimo.

Dhinaca kale Barack Obama waxa uu ahaa arday waxbarashada ku fiican oo kaalmaha hore ka gala natiijooyinka imtixaannada iyo waajibaadka kale ee ardayda laga rabo. Dhammaad